Wasiirka Caddalada iyo Taliyaha Booliska oo u Digey kana Hadlay Dad magacyadoo ku isticmaala Baraha internetka ee Facebook

0
Thursday June 11, 2015 - 12:05:18 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caddalada iyo Taliyaha Booliska oo u Digey kana Hadlay Dad magacyadoo ku isticmaala Baraha internetka ee Facebook

    Wasiirka caddaalada Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka digay in loo nisbeeyo aflagaadooyin lagu faafiyay sanduuq Facebook ah oo si been abuur ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka caddaalada Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka digay in loo nisbeeyo aflagaadooyin lagu faafiyay sanduuq Facebook ah oo si been abuur ah

 loogu furtay magaca inantiisa, isla markaana uu xusay in lagu faafiyay sawiro lagu xumaynayo magaciisa iyo sharafta madaxweynaha. Qoraal uu arrintaa uu kaga hadlayo oo uu soo saarayna ayaa u dhignaa sidan:- "Xuseen Axmed Caydiid wuxuu dhammaan dadka adeegsada"facebook”-ga ogeysiinayaa in magaca inantiisa oo ilaa ka afraad ah, isagana u noqonaya ilaa magaciisa saddexaad uu qof aan weli la aqoonsani ku samaystay"facebook account”. Qofkaa soo ku soo ban-dhiga "account”-kaa sawirro lagu xumaynayo magaciisa iyo sharafta madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Haddaba wuxuu Xuseen Axmed Caydiid raalli gelinayaa Maxdaxweynaha iyo cidkasta oo kale oo dhibsatay arrintaa, waxaanu u cadaynayaa in arrintaasi aanay ka suurtoobin qoyskiisa iyo ehelkiisa. Waxa kale, oo Xuseen qofka sidaa yeelay u sheegayaa in waxaa uu ku kacay yahay dembi if iyo Aakhiroba saaran; haddii uu isleeyahay cidi kuma aragtana alle ka abaal marin doono dambigaa uu geysatay. waxaanu kula talinayaa in uu qofkaasi si degdeg ah u joojiyo falalkaa foosha xun, cafisna weydiisto dadka bir-ma-geydada ah ee uu fadeexadaynta iyo ka been abuurashada kula kacay.” Ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay wasiirka caddaaladdu.

wasiirka-cadaalladdaa

Sida laga war qabo toddobaadkan horraantiisii guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku beeniyey sanduuq [account] magaciisu uu ku qoran yahay oo Facebooka uu ku isticmaalo, isaga oo ganafka ku dhuftay in qofka isticaamaalaa aanu isaga ahayn isla markaana wixii macluumad ah ee lagu daabaco bartaasi aanu masuuliyadiisa iyo shakhsiyadiisa katurjumayn isaga oo ku sifeeyey in laga been abuurayo.

Dhinaca kale taliyaha booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shir jaraaid oo uu 19-kii October ee sanadkii hore [2014] ku qabtay xafiiskiisa ku beeniyey dad uu sheegay inay qaab been-abuur ah u isticmaalaan magaciisa.

Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in aannu aalada bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga ku lahayn ciwaan u gaar ah, balse ay jiraan dad aannu wax aqoon ah u lahayn oo magaciisa ku ticmaalama facebook-ga, kuwaasoo uu u diray farriin digniin ah.

"Facebook aan leeyahay oo aan isticmaalo habayaraate ma jiro, sidaa daradeed, waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland inay sidaa ula socdaan oo ay uga war hayaan,” ayuu yidhi taliyaha booliska Somaliland oo xog-waran kooban siiyey shabakada Hayaan News caawa.

Waxa taliyaha boolisku u digay dadka magaciisa qaabka been-abuurka ugu isticmaala aalada facebook, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan been-abuurkaas ay ku hawlhan yihiin, waxaannu yidhi; "Waxa jira in magacayga Facebook-ga lagu isticmaalo oo cida isticmaasha aanan garanayn, sidaa daradeed waxaan u sheegayaa cida magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameeyeen.”

Aalada Facebook ee internet-ka oo ah goob bulshado ku wada xidhiidho, isla markaana macluumaadyo kala duwan la isku waydaarsado, ayaa inta badan lagaga been-abuuraa dadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda, iyadoo ciwaanno magacooda ah lagu baahiyo warar iyo macluumaadyo been-abuur ah oo dadka kale u qaataan inay tahay fikirka ama ra’yiga qofa been-abuurka laga sameeyey.