Jaamacadda Adna Arday Ku Wareejisay Qalabka Lagaga Umiliyo Hoyooyinka Wakhtiga Foosha+Sawirada

0
Thursday June 11, 2015 - 16:00:16 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Adna Arday Ku Wareejisay Qalabka Lagaga Umiliyo Hoyooyinka Wakhtiga Foosha+Sawirada

    Hargaysa(Afka)Jaamacadda Caalamiga Ah ee Adna Aadan Ismaaciil Ayaa Maanta Qalabka Lagaga umuliyo Hoyooyinka Xiliga Foosha ku wareejisay 40 Arday oo Muddo Baranayay Cilmiga Nursing.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Afka)Jaamacadda Caalamiga Ah ee Adna Aadan Ismaaciil Ayaa Maanta Qalabka Lagaga umuliyo Hoyooyinka Xiliga Foosha ku wareejisay 40 Arday oo Muddo Baranayay Cilmiga Nursing.


Munaasibada Balaadhan oo Looqabtay Wareerjinta Qalabkan ayaa Ardayda Lasiiyay waxa ay ka Kala yimadeen Gobolada Dalka.

Aadna Aadan Ismaaciil Guddoomiyaha Jaamacadda Ayaa Tafaasiil ka bixiysay Muhiimada ay leedahay Umulisadu iyo Siday Ay hooyin Badan u bad-baadiyaan Wakhtiga Foosha iyada oo Ardayday ku dhiirisay in Ay Dalkooda u shaqeeyaan Kaalmeeyaan Bukaanka iyaga oo daryeelaya.

Dhinaca kale waxa ay ku dhiiri galisay Ay Aqoontooda Sii kobciyaan Si Ay


u noqdaan Umuliso dhamaystay waxaana ay tidhi.

 

"dad badan ayaa inagaga dayacan Magaalooyin Badan ayaan Lahayn umulisooyin,Degmooyin Badan ayaa sababo waxa lagaga qaban Kari lahaa Hooyada umulaysa Ay u dhimataa,dareenkaas iyo dam-qashadaas ayaa keenta in ay somaliland u baahan tahay lix boqol oo umiliso loobaahan yahay,lakiin aniga adna ahaan waxaan qabaa in aynu u baahanay kun iyo dheeraad dadka iyo dalka oo kala firidhsan awgeed,himiladaas lagaadhay 2006 ilaa 2007 ayaa isna soo gaadhsiiyay inaad idinku noqotaa kooxdii saddexaad ee tababarkan soo marta.

intaas waxa ay ku dartay Guddoomiyaha Jaamacadda Adna Aadan Ismaaciil.”waxaan qabaa hadaynu siiwadno tababarka lasiinayo umulisooyinka in ay inaga Yaraan doonaan hooyada u dhimanaysa xiliga foosha,waxaan si Adag siqiimo leh iyo sibuuxda ugu mahad naqayaa unfpe oo mashruucani aanu la’aantood dhamaystir meen,wasaarada caafimaadkana Iyana waan u mahad naqayaa.

Adna Aadan ayaa Ardaydii Dhamaystay Umulisooyinka ku wareejisay Qalabka Hooyada Uurka Leh u Sahlaysay in lagaga umuliya iyada oo ardaydana kula dardaaran tay in ay ilaaliyaan qalabka.

"Qalabkan Maanta laydin Siiyay idinka Laydinma Siin ee waxa iska leh qaranka,hooyada uurka leh ayaa laguugu soo dhiibay,maanaha dirac hadyada laguugu keenay waxa weeyaan waxaad umada ugu shaqaynayso,Nadaafadeeda hagaajin teeda hore ayaa laydiin soo baray waana laydinka rabaa,waxaanan rajaynayaa inaad aqoontiina iyo Xoogiina uga Faa’idaysaan umada,mana noqon kartid umuliso hadaanad Aqoontaad siikordhisanin,anigu 56 sano ayaan ahaa umuliso.

Haay’adda ka Caawisay Qalabkan ayay u mahad naqday marwo adna Aadan iyada oo sheegtayna.”Laba Haay’addo Ayaa inaga caawiyay Qalabkan Oo kala Ah MIDWIFE KIT Iyo Haay’adda Direct Relief Waanan u mahad naqaynaa waxaanan Doonaynaa inaan Xusno.

Ayaan Cabdi Xussen oo Ah Macalimadii waxa soo baraysay Ardayda ayaa iyaduna ka warantay Maraaxilka Kala duwanaa ee ay soo mareen ardaydu iyada oo uga mahad naqday dhabar adayga ay muujiyeen iyo wakhtiga ay galiyeen sidii ay dalkooda ugu shaqayn lahayeen.

"Saddex Kooras Ayaa qalin jabiyay ardaydu waxa ay ka kooban tahay 103 arday kooraskii ugu horeeyay waxa uu ahaa 21arday oo ka tirsan gobolada oonay ku jirin Hargaysa,waxaana ay kala ahayeen Sool,Sanaag,todheer,Boorama,Salal,Guruubka 2aad waxa uu ahaa 42arday waxaana ay iyagu ka koobnayeen gobolada oo dhan lakiin waxa jiray afar Arday oo aanu cusbitaalka kaga darnay,Guruubkii Saddexaad waxa uu ahaa 40 waxaana ay iyaguna gobolada.

Macalimadu waxa ay ka warantay tirade gobolkasta lootababaray ee arday ah.”Hargaysa.25 qof,sanaag11,togdheer10,baligubadle10,sool7,saaxil 8,salaxlay3 Awdal6,dararwayne2 arabsiyo 1,Cadaadlay2,saraar2,Arabsiyo1 salal 3 sabawanaag2 adna Hospital 4,gumar 1.oodwayne 1 boqol iyo saddexdi intaas ayay ku dhan yihiin,waxaana jira arday tababarka noogu jira oo jooga gabiilay iyo Berbera,gabiilay waxa jooga 18 arday,berberan waxa jooga 19 arday,hargaysa waxanu ku haynaa 39 qof 20 waxa ay ka yimadeen sanaag iyo sool,sagaal iyo tobanka kale waxa ay ku qaybsan yihiin hargaysa.

Cali sheekh Oo Ah agaasimaha Caafimaadka Qoyska ee Wasaarada Caafimaadka oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa ugu mahad naqay Adna Aadan Dadaalka Ay maalin kasta galinayso sidii ay u soo saari lahayd Jiil Cusub oo dalka Anfaca kana Bad-baadiya Hoyooyin Badan Marka Ay ku jiraan Xaalada Fooasha,waxaana uu cadeeyay in Ay wasaarada Caafimaadka isla Shaqeeyaan Jaamacadda adna,Ardayda waxa uu ku gubaabiyay Ay Cilmigan Ay barteen ku Anfacaan Dalkood iyo dadkooda.

Masuul Sare oo Ka socday Haay’adda EFPI Ayaa ugu mahad naqay isaguna Jaamacadda Adna Dadaalka dheer ee ay ugu jirto in umulisooyin Lagaadhsiiyo Deegaanka Miyiga loobaahan yahay Ardayda Halkan dhamaystay in Ay u baxaan Maalmana u qadaan Sidii Ay u bad-baadin Lahayeen Hoyooyin Badan oo ku dhiman Lahaa Goobaha Miyiga Ah.

Gaba-Gabadii Halkaas waxa lagu Guddoonsiiyay Ardaydii Dhamaystay Qaybta umulisooyinka Qalabka Lagaga umuliyo Hoyooyinka,iyada oo halkaasna ardaydu ku soo Bangidheen Xog uruurin Ay ka Sameyeen Dhinac Caafimaadka Shanta Degmo ee ay Hargaysi ka kooba tahay.





Contact@afkashacabka.com