Pogba, Sterling, Benzema, De Gea, Casillas & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Jimce Ah

0
Friday June 12, 2015 - 13:20:33 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pogba, Sterling, Benzema, De Gea, Casillas & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Jimce Ah

    Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayan jecelnahay inaan idiin soo koobno koox walba ayaana ku mashquulsan waqtigaan iney soo iibsato ciyaartoy si ay isugu diyaariso xagaaga soo aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayan jecelnahay inaan idiin soo koobno koox walba ayaana ku mashquulsan waqtigaan iney soo iibsato ciyaartoy si ay isugu diyaariso xagaaga soo aadan.

Hadaba waxaan soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay qoreen wargeysyada Ingiriiska, kuwaas oo ah kuwa ugu afka dheer kubada cagta.

Manuel Pellegrini ayaa kula balamay mamulka Manchester City inuu buuxin doono boosaska banaan isla markaana uu kooxdiisa ka dhigi doono kooxaha ugu xoogan yurub. (The Sun)


Sidoo kale Manuel Pellegrini aya doonaya inuu kooxdiisa usoo iibiyo xidiga khadka dhexe Juventus Paul Pogba kaas oo 22-jir ah iyo sidoo kale 20-jirka Liverpool Raheem Sterling. (Daily Mail)

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayey macquul tahay inuu ku biiro Manchester United wuxuuna qeyb ka noqon doonaa heshiiska uu De Gea ku aadi doono Madrid. (Telegraph)

Arsenal aya isku dayi doonta saxiixa goolhayaha Spain Iker Casillas hadii Real Madrid ay lasoo saxiixato xidiga Man United David De Gea. (London Evening Starndard).

Xidiga dhaawaca dilooday ee Abou Diaby kaas oo ka mid ahaa tiro ciyaartoy ah oo ay kooxaha Ingiriiska iska fasaxeen ayaa nasiib u helay in kooxdiisa ay mar kale fursad siiso isla markaana ay la gali doonto heshiis ku xirnaan doona kulamada uu ciyaaro si uu Arsenal usii joogo. (Times)

Xidigii hore Chelsea Kevin De Bruyne ayaa dib ugu soo laabanaya Premier League-ga kadib markii uu xaqiijiyay in Manchester City ay wadahadalo kula jirto wakiilkiisa. (SKy Sports).

Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa mudo lix bilood ah laga ganaaxay wadista baabuurta kadib markii ay kaamirooyinka qabteen isagoo xawaare ka badan intii meesha uu marayay loogu tala galay ku wado gaarigisa. (Mirror)


contact@Afkashacabka.com