Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Xawaaladaha Ku Soo Rogay amarro cusub

0
Saturday June 13, 2015 - 10:04:11 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Xawaaladaha Ku Soo Rogay amarro cusub

    Baanka dhexe ee Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay ku hawlana sidii kor loogu qaadi laha qiimaha lacagta dalku leeyahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baanka dhexe ee Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay ku hawlana sidii kor loogu qaadi laha qiimaha lacagta dalku leeyahay,

ayaa go’aan ku soo rogay Xawaaladaha ka shaqeeya dalka, taas oo kor u qaadi doona qiimaha ay leedahay lacagta waddanku leeyahay ee Shilinka Somaliland.

"Qofkasta oo lacag looga soo diro dalka debadiisa waxa %30 kamid ah lacagtaas lagu siin doona Shilinka Somaliland, dhammaan Xawaaladaha dalka ka hawlgalana waanu isla qaadanay arrinkaas.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, Mud. Cabdillaahi Xasan Aadan oo u waramaayay Saxaafadda.

Geesta kale Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo qayb ka ahayd guddidi uu Madaxweynaha Somaliland u saaray kor u qaadida Shilinka dalka iyo ka hortaga sicir bararka, ayaa wareegto ku soo saartay in dhammaan ganacsatada dalku qiimahooda ganacsi ku sar gooyaan shilinka Somaliland, si looga hortago Sicir barar sameeya waddanka iyo qiimo jab ku yimaada lacagta dalka.

Guddidi heer qaran ee uu Madaxweynaha Somaliland u saaray wax ka qabashada iyo ka hortaga Sicir bararka waxa iyana qayb ka aha Wasaarada Maaliyada iyo Qorshaynta Qaranka, waxayna soo saareen go’aamo iyo qodobo ay muddo dheer ku hawlanayeen daraaseyntooda, kuwaas oo lagu baahiyay Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay safaro umurtaas ku saabsan Gobolada ku mareen Madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Baanka Dhexe.