Man Utd Oo 40 Milyan Ku Dalbaneysa Harry Kane Xilli City Ay Qarashgareyneyso 150 Milyan Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Sabti Ah

0
Saturday June 13, 2015 - 11:08:45 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man Utd Oo 40 Milyan Ku Dalbaneysa Harry Kane Xilli City Ay Qarashgareyneyso 150 Milyan Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Sabti Ah

    Inkastoo wali aan daaha laga qaadin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, hadana waxaa jirta warar xan ah oo ay qoraan warbaahinta kubada cagta caalamka taasoo muujineysa in koox walba ay dadaal ugu jirto iney usii diyaar garowdo xagaaga soo aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo wali aan daaha laga qaadin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, hadana waxaa jirta warar xan ah oo ay qoraan warbaahinta kubada cagta caalamka taasoo muujineysa in koox walba ay dadaal ugu jirto iney usii diyaar garowdo xagaaga soo aadan.

Waxaan idiin soo koobi doonaa warakii maanta oo sabtiah ay qoreen warbaahinta kubada cagta, masuulna kama noqon doono xaqiiqda iyo jiritaanka warkaan madama an u xaglin doono meesha aan kasoo xiganay.

_83605827_daily_mirrorManchester City ayaa diyaar u ah inay bankeeda jabiso oo ay wadar ahaan 100 milyan ginni kula soo wareegto Paul Pogba iyo Raheem Sterling. (The Sun)

Lacagta City ay qarashgareyn doonto kuma ikaaneyso kaliya Pogba iyo Sterling, sidoo kale Kevin de Bruyne iyo Gianelli Imbula ayaa ku jira liiskooda 150ka milyan ginni. (Daily Mirror)

Theo Walcott ayaa heshiis cusub u saxiixi doona Arsenal ka dib markii wadahadalo lagu guuleystay uu la yeeshay kooxda. (The Sun)

Harry Kane ayaa ah diirada koowaad ee kooxda Manchester United, kuwaasoo doonaya inay ku tijaabiyaan Tottenham dalab 40 milyan ginni ah. (Daily Mirror)

Laakiin gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa u sheegay Mauricio Pochettino inuusan dooneynin inay iska iibiyaan Hary Kane ama goolhaye Hugo Lloris. (Daily Telegraph)

Da’ yarka Patrick Bamford ayaa si weyn u doonaya inuu ka mid noqdo kooxda koowaad ee Chelsea inkastoo laga yaabo in amaah lagu fasaxo. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa dhameystiri doonta heshiis 11 milyan ginni oo ay kula soo wareegeyso goolhayaha Chelsea Petr Cech isbuuca danbe. (Daily Mail)

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea John Obi Mike loo 28 sanno jir ah ayaa waxaa dooneysa kooxda Turkiga ee Fenerbahce. (Daily Express)

Real Madrid ayaa dooneysa inay dhameystirto saxiixa goolhayaha Manchester United David de Gea waqti uu ciyaari karo fasaxa ay ku tagayaan Australia halkaasoo ay kula ciyaarayaan Manchester City 24ka bisha July. (Independent)

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Jack Wilshere ayaa sheegay inuusan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo Manchester City oo uu noqdo ciyaaryahan lagu badsado tirada ciyaartoyda Ingariiska ah. (Daily Express)




Contact@afkashacabka.com