Wasiir iska Casilay Xukuumadda Puntland iyo Khilaafkii ugu Adkaa oo ka Dhex Qarxay Madaxweynaha iyo Kuxigenkisa

0
Saturday June 13, 2015 - 16:12:43 in by Burco Office
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir iska Casilay Xukuumadda Puntland iyo Khilaafkii ugu Adkaa oo ka Dhex Qarxay Madaxweynaha iyo Kuxigenkisa

    Garoowe(Afka)Wasiirkii Cadaalada ee Maamul Goboleedka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa goor dhaweyd kaga dhawaaqay magaalada Garoowe in uu iska casilay Jagada wasiirnimo ee uu ka hayey Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(Afka)Wasiirkii Cadaalada ee Maamul Goboleedka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa goor dhaweyd kaga dhawaaqay magaalada Garoowe in uu iska casilay Jagada wasiirnimo ee uu ka hayey Maamulka Puntland.

Wasiirka Cadaalada ee ku dhawaaqay Iscasilaadan ayaa kamid ahaa Wasiirada sida weyn loo hadal hayay in laga qaadi doono xilalka ay hayaan, maadaama maalmahan oo dhan ay soo baxayeen wararka sheegaya Isku shaandheynta xubnaha golaha xukuumada ee Puntland.


Ismaaciil Maxamed Warsame oo is-casiladiisa u sababeeyay in madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa isku maandhaafeen sii joogitaankiisa ayaa sidoo kale sheegay in mudo 8-bilood ah aysan si nadiif ah u helin xaquuqdii ay la haayeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey ayaa waxa soo kala dhexgalay Khilaaf

la sheegay in uu salka ku hayo isku shandhayn la filayo in uu Madaxweynuhu ku sameeyo golihiisa wasiirada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka biyo diiday in Golaha wasiirada ee cusub lagu soo daro Axmed Cabdi Xaabsade oo Sanadkii hore Somaliland ka taggay isla markaana Xil u doontay Puntland, waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenku ku hanjabay in uu iscasilidoono haddii xil wasiirnimo ah loo magacaabo Xaabsade.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey waxa uu ku dooday in aan loo bahnayn in Xil loo magaaco nin Gobol dhan gacanta Puntland ka saaray oo ku sifeeyey in uu yahay khaayimwadan isaga oo u Jeedda Xabsade.

Balse Madaxweyne Gaas ayaa ka Diiday dalabka ku-xigeenkiisa ee ah in aan xil loo magacaabin Xaabsade waxaanu Gaas ku dooday in uu Xaabsade yahay Siyaasi Rugcadaa ah oo Puntland u baahan tahay wax baddan u qabban kara.

hadaba Isku-shaandheynta ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo ka hor 15-ka bisha June, markaasoo kal-fadhiga 35aad ee baarlammaanka Puntland furmi doono.



Contact@afkashacabka.com