Manchester City Oo Suuqa Yurub Sicir Barar Ku Ridi Doonto Madaama Ay Lacago Waali Ah Ku Dooneyso Paul Pogba

0
Sunday June 14, 2015 - 11:44:47 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Oo Suuqa Yurub Sicir Barar Ku Ridi Doonto Madaama Ay Lacago Waali Ah Ku Dooneyso Paul Pogba

    Kooxda Man City ayaa qaaday talaabo ka dheer mida ay qaadi rabaan dhamaan kooxaha reer Yurub waxayna haatan Paul Pogba ku dooneysaa lacago waali ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man City ayaa qaaday talaabo ka dheer mida ay qaadi rabaan dhamaan kooxaha reer Yurub waxayna haatan Paul Pogba ku dooneysaa lacago waali ah.


Kooxda Man City ayaa ka cabsi qabto in xidiga reer France uu naadiga Barcelona ku biiro sidaa darteed warbixin la isku haleen karo ayaa lagu sheegay in Man City dalab €82.9m ay kooxda Juventus u gudbisay.

The Sun ayaa lagu qoray lacagaha €82.9m oo ay Man City Paul Pogba ku dooneyso sidoo kalena la aaminsan yahay in lacagahan ay kooxda Juventus aqbali doonto.

Wargeska La Gazzetta dello Sport ayaa dhawaan qoray in xidigan ay kooxda Man City ku dooneyso €80m balse haatan qiimahaas ayay wax yar ku dirtay si ay Juventus kaga hadal shiiso.

Wakiilka Pogba ayaa horey u sheegay in xidigan uu xagaagan kooxdiisa Juventus kaga tagi karo dalab €100m oo kaliya haatana Man City ayaa u muuqato kooxda kaliya ee lacagahaas ku dhawaatay.

Dhanka kale warbixin laga soo xigtay gudaha xarunta kooxda Juventus ayaa lagu sheegay in maamulka kooxdan ay isku raaceen in Paul Pogba ama Arturo Vidal midkood la iibiyo xagaagan madaama ay Sami Khedira dhawaan heshiis la gaareen.

Hadaba Pogba ayay u badan tahay in la iibiyo madaama lacagaha xidigaha ay kooxaha reer Yurub ku baadi goobayaan ay aad u sareeyaan.