WASIIRKA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA CAALAMIGA AH EE SOMALILAND OO MAANTA LA KULMAY WASIIRKA DHAQAALAHA IMAARAADKA +SAWIRO

0
Thursday April 10, 2014 - 18:36:14 in by Super Admin
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA CAALAMIGA AH EE SOMALILAND OO MAANTA LA KULMAY WASIIRKA DHAQAALAHA IMAARAADKA +SAWIRO

    Wasiirka Ganacsiga Iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qeyb galay shir sanadle ah oo caalami ah oo lagu qabto dalka Imaaraadka carabta , ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga Iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qeyb galay shir sanadle ah oo caalami ah oo lagu qabto dalka Imaaraadka carabta , ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Sultan Mansouri.

Labada Wasiir intii ay ku gudo jireen kulankooda waxay isla soo qaadeen sidii loo taabo-gelin lahaa iskaashiga Ganacsi ee labada dal u dhexeeya iyo sidii diirada loo saari lahaa dhinacyada u baahan inay sii xoojiyaan.

Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Imaaraadka carabtu waxa kale oo ay isla faaqideen sidii dawladda Imaaraadka carabtu ay Somaliland uga saacidi lahayd sidii loo horumarin lahaa dhinaycada Kalluumaysiga, ka faa’iidaysiga tamarta iyo sibidhka.

Labada Wasiir waxay isku waafaqeen inay wufuud kala duwan is weydaarsadaan si loo soo darso qoddobada Ganacsi ee labada wadan ka wada shaqayn karaan.

Wasiirka Ganacsigu waxa uu shabakadda wararka ee Gudgudenews u xaqiijiyay inuu Wasiirka Dhaqaalaha ee Imaaraadka gacanta ka geliyay Buug si faahfaahsan uga sheekaynaya siyaasadda guud ee Ganacsiga Somaliland iyo shuruucda maal-gashiga caalaamiga ah, taasi oo ay dhawaan diyaarisay wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashigu.

Shirkan caalamiga ah ee Wasiirka Ganacsiga iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Khaarajiga Maxamed Xasan, waxa ka soo qeyb galay illaa in ka badan Sodon dawladood iyo shirkado waaweyn oo ganacsi oo weftigu fursado kala duwan u heleen inay kulamo gooni gooni ah la yeesheen si ay tafaasiil uga siiyaan fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira. Waa markii u horaysay ee Somaliland lagu soo marti-qaado shirweynahan caalamiga ah.































Afkashacabka.com

DUBAI- UAE /Office

Contact@afkashacabka.com