Doon siday xoolo ganacsi ah oo ku gubatay Meel ku dhow Dekedda Magaalada Boosaaso

0
Sunday June 14, 2015 - 18:05:56 in by Burco Office
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doon siday xoolo ganacsi ah oo ku gubatay Meel ku dhow Dekedda Magaalada Boosaaso

    Bosaaso(AFKA)Dooni sidday in ka badan 1000 neef oo xoolo ah oo isugu jiray Lo' iyo Ari ayaa ku gubaytay Xeebaha Magaalada Boosaaso meel Afar Mayl u jirta dekedda Boosaaso. Doonidan waxaa iska lahaa Ganacsato dalka Iiraan u dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bosaaso(AFKA)Dooni sidday in ka badan 1000 neef oo xoolo ah oo isugu jiray Lo' iyo Ari ayaa ku gubaytay Xeebaha Magaalada Boosaaso meel Afar Mayl u jirta dekedda Boosaaso. Doonidan waxaa iska lahaa Ganacsato dalka Iiraan u dhashay.


Wasiirka dekadaha Maamul Goboledka Somaliyeed Ee Puntland, C/llaahi Jaamac Saalax ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey Dabkan Qabsaday Doonidaan Xoolaha Sidday, Isagoo Xusay in Shaqaalihii Doonidan la socday la badbaadiyay dhammaantood, inkastoo aan tiradooda la sheegin.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in xoolaha doonidu siday oo ahaa kuwo Ganacsi ay ku Gubteen Dabka, inkastoo Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay sheegeen in qaar ka mid ah xoolaha la badbaadiyay.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xusay in Gurmad buuxa oo deg-deg ah ay doonida oo ku soo laabanaysay Dekedda Boosaaso ay u direen, balse nasiib-darro ay ku guuleysan waayeen inay damiyaan dabka, maadaama uu cows badan saarnaa doonida ayna dabeylo xoog leh dhacayeen.

Ugu dambeyn, doonnidan oo ka furatay xalay dekedda Boosaaso ayaa ku socotay dalalka Khaliifka Carabta qaar ka mid ah, inkastoo aan la sheegin dalka ay rasmi ahaan Xoolahan ugu wadday.

Ma ahan markii ugu Horreysay oo dooni xoolo wadda ay ku Gubato Badweynta Hindiya, iyadoo horay ay sidan oo kale ay doomo xoolo waday uu dab u qabsaday, iyadoo xoolihii saarnaa ay ku baaba’een.



Contact@afkahsacabka.com