Maayarka Caasimadda Oo Soo Dhawayn Marti-qaad Ah U Sameeyay Xubnihii Jaaliyada Cardiff.

0
Monday June 15, 2015 - 07:51:51 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Caasimadda Oo Soo Dhawayn Marti-qaad Ah U Sameeyay Xubnihii Jaaliyada Cardiff.

    Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [Soldtelco] ayaa Xaflad ballaadhan oo qado-sharafeed ah ku maamuusayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [Soldtelco] ayaa Xaflad ballaadhan oo qado-sharafeed ah ku maamuusayey

 labadii xubnood ee sida weyn uga shaqeeyey aqoonsigii Dawladda hoose ee Kardhif ee UK ku aqoonsadeen Somaliland oo dhawaan dalka soo gaadhay.Xafladda munaasibaddaasi oo ahayd mid si quruxbadan looga soo shaqeeyey oo ka dhacday Hotelka Maan-soor waxaa ka soo qaybgalay Maayarka,Maayar-ku xigeenka Cabdicasiis Maxamed Cagaweyne,Xoghayah Dawladda Hoose Mr Raabi,xildhibaano ka tirsan Dawladda hooe,wasiir ku xigeenka Amigiga Axmed Cadare,ku xigeenkiisa Cabdi dheere,wasiir ku xigeenka warfaafinta Marwo Shukri Xariir,lataliya-yaasha Madaxweyne,madaxa xafiiska hay’adaha qaramada-midooay iyo saraakiil kale.

 

image

Furitaankii shrikaa waxaa qadadii kadib ka hadlay Maayar ku xigeenka Cabdicasiis Maxamed Cagaweyne waxaanu kawaramay ujeeddada martiqaadkan quruxda badan loo qabtay iyo cidda lagu maamusayba waxaanu yidhi "ujeedada kulankeenan qado sharafeedka ah waxaa qabtay Maayarka maayarada ee Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid oo aanu u ga mahadcelinayno sida qiimaha badan ee uu u soo maamuusay 2 deenii xubnood ee qiimah ainaga mudnaa ee reer Kaardhif”

Waxaa lataliyaha Madaxaweynaha ee arimaha doorashooyinka Maxamed Ibraahin [Qabo] waxaanu maamulka Dawladda hoose oo wada socda uga magaceliyey maamuuskan qiimaha badan ee ay ku qaabileen xubnaha reer waxaanu xusay ka Dawlad ahaan inay diyaar u yihiin cidkasta oo Somaliland aqoosnigeeda kaalon ku yeelataba inay sidan oo kale u soo dhaweynayaan maamuus sarena gaadhsiinayaan "Dawladda hoose iyo Maayarkoodaba waxaan uga mahadecelinayaa sida qurxoon ee ay xubnaha reeer Kaardhif u maamuuseen”

Isaga oo wali hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "annagu ka Dawlad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu sidan oo kale iyo kasii fiicanba u soo dhaweyno cidkasta oo kaalinteeda ka qaadata aqoosi raasika Somaliland” Maayarka Hargeysa oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay ahayd inay markii horeba iyagu ka Dawlad hoose ahaan yeeshaan soo dhaweyntii xubnahaasi hasa yeeshee aysan hadana dhibaato lahayn hadii looga horeeyey martiqaadkooda "markii horaba mar hadaad caasimadii timaadeen waxay ahayd inaanu annagu yeelanno martiqaadka laakiin hadana waxaanu idin leenahay soo dhawaada itan iyo inkabadana waad ka mudantihiin Somaliland” ayuu yidhi Maayar Soltelco.

image

image

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Marwo Shkuri Xariir oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay dhinaceeda ka soo dhaweynayso xubnaha la casuumay iyada oo xustay inay ka xukuumad ahaan waajibaadkooda tahay inay ciddii sidan oo kale kaalin ku yeelata ictiraaf raadinta Somaliland loo aqoonsanayo inay tahay cid xusuus ku reebaysa Somaliland hasa yeeshee Mrs Xariir waxay carabka ku dhufatay inaanu waajibaadka xubnahan iyo bulshada kaleba ka saaran raadinta aqoonsiga Somaliland ahayn mid intaa kaga hadhay loona baahan yahay in la sii wado "xubnahani waxay mahadsan yihiin laakiin waxaan leeyahay hawsha aqoosi raadinta Somaliland iyo waajibaadka innaga saarani maaha mid intaa oo kaliya ku hadhaya ee waxa uu –u baahan yahay in la sii wado”ayey tidhi.

Mr Cabdikariim oo kamida labada xubnood ee qado-sharafeedkan lagu casuumay waxa uu ka mahadceliyey sida qiimaha badan ee ay Dawladda hoose ugu maamuuseen qado-sharafeedkan qiimaha badan waxaanu yidhi "aniga oo ku hadlaya magacyga iyo Magaa saaxiibkay Ibraahim iyo bulshada reer Kaaridh waxaan ka mahadcelinayaa maauuskan qiimaha badan ee Maayarka iyo dhamaan Dawladda Hoose ay nagu soo dhaweeyeen”ayuu yidhi Mr Cabdikariim.

"arintaasi waa waajibaad na saaran mana aha inaanu halkaa uun kaga hadhaynu balse waa arin aanu sii wadidoono waxaanan la kaashan doonaa marka aanu dib u noqono Jaaliyadda reer Kaardhif iyo UK” ayuu yidhi.