"waannu jecelnahay in aannu dhiirigelino hannaanka wadahadalka, laakiin ..."Nickolas kay

0
Monday June 15, 2015 - 07:57:10 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waannu jecelnahay in aannu dhiirigelino hannaanka wadahadalka, laakiin ..."Nickolas kay

    Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Key, ayaa ka hadlay saamaynta dhinaca amaanka ee qaxootiga Yemen ku yeelan karo Somaliland iyo Soomaaliya. iyo wadahadaladi labada dal ee burburay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Key, ayaa ka hadlay saamaynta dhinaca amaanka ee qaxootiga Yemen ku yeelan karo Somaliland iyo Soomaaliya. iyo wadahadaladi labada dal ee burburay

Mr. Nicholas Kay oo hadal ka jeediyey kulan uu qabtay Mac-hadka caalamiga ah ee Nabadda Adduunka ee la yidhaah IPI (International Peace Institute), waxa uu sheegay in laga cabsi qabo in kooxo argagixiso ah ku dhex dhuuntaan dadka qaxootiga ah ee ka cararaya colaadaha dalka Yemen, isagoo xusay in Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya sameeyaan hubin dhinaca ammaanka ah, balse aanay jirin caddayn arrintaas loo hayo weli.

 

 

"Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, dhammaantood wallaac ayey ka muujiyeen saamaynta dhinaca ammaanka ee ka dhalan karta qaxootiga ka soo cararaya dalka Yemen oo laga cabsi qabo in kooxo argagixiso ah ku soo dhex dhuuntaan, waxaana la wadaa baadhitaanno iyo hubin la xidhiidha dhinaca ammaanka oo ka socda degaannada ay ka soo degaan dadka qaxootiga ah. Waxa kaloo wallaac laga qabaa in halista ammaan-darro ee ka jirta Yemen, hubka badan ee gacmaha dadweynaha galay iyo kooxaha Shiicadaha ee dagaalka ku jiraa ay u soo dhawaan karaan dhinaca xeebaha Somaliland iyo Puntland, taasina ay noqon karto khatar dhinaca ammaanka ah, in kastoo aan weli la hayn wa caddayn ah, haddana maadaama wallaacu ka soo baxayo dhinacyada Soomaalida waa in aynu dhegaysano,” ayuu yidhi Mr. Nicholas Kay oo hadalkan jeediyey 9 June 2015.

Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ka hadlay in hakad ku yimi wadahadalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi; "Wadahadal siyaasadeed ayaa u socda Somaliland iyo Soomaaliya, inkastoo aannu muddooyinkii u dambeeyey wax wadahadal ah dhicin, halka wadahadalkii u dambeeyeyna waxa lagu kala kacay dalka Turkiga, iyadoo aanay labada dhinac weli waqti cusub u qaban in wadahadalkaasi sii socdo, waannu jecelnahay in aannu dhiirigelino hannaanka wadahadalka, laakiin wada-xaajoodku waa mid uu martigeliyo dalka Turkigu.”

Wakiilka Xoghayaha Guud, ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo ka qabo in doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya inta lagu jiro sannadka soo socda ee 2016, waxaannu yidhi; "Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankuba way ballanqaadeen inay ka go’an tahay in aanay doonayn muddo-kordhin loo sameeyo, iyadoo waqtiga baarlamaanku ku egyahay bisha August ee sannadka 2016, halka xilka madaxweynuhuna yahay September 2016 oo la filayo in doorashooyinku ku qabsoomaan xilligaas, balse weli Guddida Doorashooyinka ee Soomaaliya lama ansixin, arrintaasina waa mid u taal Soomaaliya oo aanan doonayn in aannu wax farogelin ah ku yeelano.”

Waxa kaloo uu iftiimiyey in aannu si buuxda ugu qanacsanayn saamiga labada xubnood ah ee dumarka laga siiyey Guddida Doorashooyinka Soomaaliya oo ka kooban 9 xubnood, kuwaasoo uu xusay in aan weli la shaacin, isla markaana baarlamaanku ansixin, isagoo xusay inuu jeclaan lahaa in labadaas xubnood ee dumarka ah mid ka mid ah guddoomiye looga dhigo guddidaas.