Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo La Filayaa Inay Gaadhan Maanta Magaalada Dhuuso-mareeb Maxaase Sababay?

0
Monday June 15, 2015 - 10:02:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo La Filayaa Inay Gaadhan Maanta Magaalada Dhuuso-mareeb Maxaase Sababay?

    Wararka laga helayo Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ay maanta ku Wajahan yihiin magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo ay todd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ay maanta ku Wajahan yihiin magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo ay toddobaadkii hore laga fara-maroojiyay gacanta Dawlada Somaliya


Saraakiisha Ahlusunna ee ku sugan Dhuuso-mareeb ayaa iyagana waxay dadweynaha ku boorriyay inay u diyaar-garoobaan soo dhaweynta wafdi ka socda dowladda Somalia oo soo gaadha Dhuuso-mareeb.

Booqashada ay wafdigan ka socda dowladda Somalia ku tagayaan Dhuuso-mareeb ayaa imaanaysa xilli maalmihii u dambeeyay ay socdeen dadaallo Ahlusunna looga dhaadhi-cinayo inay ka baxdo Degmada Dhuuso-mareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaan weli si rasmi ah uga hadlin Booqashada la filayo in uu maanta ku tago magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud, laakiinse toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu sheegay wasiirku inay dowladdu tallaabo ka qaadayso Ahlusunna oo uu ugu yeeray koox nabad-diid ah.

Laakiin socdaanka wasiirka ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Dowladda Federaalka Somalia iyo Ahlusunna, laguna Xallinayo Colaadaha kasoo dhex cusboonaaday Dowladda Somalia iyo Ahlusunna.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/risaaq Cali Mire (Al-Ashcari) ayaa sheegay in Ahlusunna ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Al-Ashcari ayaa sheegay in Ahlusunna ay horay heshiisyo ula gashay Dowladda Somalia balse ay dowladdu ka baxday dhammaan heshiisyadaas, ayna mar kale diyaar u yihiin dhankooda inay la heshiiyaan Dowladda.

Ugu dambeyn, Dowladda ayaa iyaduna dhankeeda ku dhawaaqday inay wadahadallo la furayso Ururka Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo dhawaan ka Qabsaday Dhuuso-mareeb oo la qorsheyay inay xarun u noqoto maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.



Contact@afkashacabka.com