Nin Dil ka Geystay Dalka Holland oo Booliska Waddankaasi Gacanta ku Dhigeen

0
Thursday April 10, 2014 - 19:08:09 in by Super Admin
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Dil ka Geystay Dalka Holland oo Booliska Waddankaasi Gacanta ku Dhigeen

    Ciidamada Booliiska Dalka Holland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin 23-sano jir ah oo lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dil loo geestay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaasi kunoolaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliiska Dalka Holland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin 23-sano jir ah oo lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dil loo geestay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaasi kunoolaa.



Dilka loo geestay Muwaadinka Soomaaliga ayaa ka dhacay magaalada Groningen ee waqooyiga dalkaasi Holland, waxaana la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka sadax nin oo si xun u jir dilay Muwaadin Soomaali ah oo u geeriyooday jirdilkaasi loo geestay.

Ciidamada Booliiska Dalka Holland ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxa ay baadi goob xoogan ugu jireen dadka looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falka Dilka ah , waxa ayna shacabka ka codsadeen in ay gacan ka geestaan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.

Ninka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa da’adiisa lagu sheegay 40 sano, wuxuuna u dhintay dhaawacyadii kasoo gaaray jirdil loo geystay, waxaana illaa iyo hada la ogeyn sababta keentay weerarka ay ku qaadeen koox dhalinyaro ah oo la sheegay inay gaarayaan 3 qof.


Ciidamada Booliiska Dalka Holland ayaa baadi goob xoogan waxa ay wali ugu jireen soo qabashada labo nin oo kale oo la tuhmayo in ay gacan ka geesteen dilka loo geestay Muwaadinka Soomaaliyeed ee qaxooti ahaan dalkaasi ku tagay.



Contact@afkashacabka.com