Xukuumadda Somaliland, ayaa Ka hadashay dhaqdhaqaaqyo nabadgalyo daro oo dawladda Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland,

0
Friday April 11, 2014 - 10:18:44 in by salman abdi
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland, ayaa Ka hadashay dhaqdhaqaaqyo nabadgalyo daro oo dawladda Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland,

    Xukuumadda Somaliland, ayaa Ka hadashay dhaqdhaqaaqyo nabadgalyo daro oo dawladda Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland, waxayna u dirtay digniin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa Ka hadashay dhaqdhaqaaqyo nabadgalyo daro oo dawladda Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland, waxayna u dirtay digniin.


Wasiirka arrimahah gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay gudaha dalka ka waddo kharbudaad.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxaan halkan digniin uga gudbinayaa cadowga Somaliland ee ka naxay gobanimada uu maanta caalamku u qiray Somaliland, waxaanu aad uga xunnahay dawladda yar ee ka dhisan Muqdisho inay ka didday gobanimada bulshada caalamku u qireyso Somaliland, waxaanu u aragnaa, waxaanu u aragnaa inay Somaliland gudaheeda ka waddo fad-qalalo iyo kharbudaad, waxaanu nahay ummad aan loo dhuuman Karin, waxaanu si weyn isha ugu haynaa oo aanu u eegaynaa dhaqdhaqaaqa dawladda Soomaaliya ay ka waddo gudaha Somaliland, waxaanu leenahay haku gubanina, dawlad iyo dadba waxaanu diyaar u nahay inaanu dalkayaga ku difaacno dhiiggayaga, waxaanu diyaar u nahay inaanu kashifno ama dibadda u soo saarno khildad kasta oo qarsoon oo la doonayo in gobanimada iyo Midnimada Somaliland in lagu kala kexeeyo”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay "Waxaanu ILAAHAY ugu mahad-naqayaa guusha aynu gaadhnay, ummadda reer Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa badhtamihii ayaynu maraynaa oo wax yar-baa inoo hadhay, markhaati-bay ka tahay ictiraafka ay Sameeyeen golaha deegaanka Sheffield inaynu nahay ummad caalamku eegayo, la inaguna qiimaynayo waxaynu qabsano, markaa inta inooga hadhay wadajirka, midnimada, ilaalinta nabadgalyada, kala dambaynta iyo dhisidda qarannimada ayaa inoo ballan ah..”ayuu yidhi.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@Afkashacabka.com