RUUSHKA OO DIGNIIN KU SAABSAN INUU JARI DOONO GAASKA U DIRAY QAAR KAMIDA DALALKA YURUB

0
Friday April 11, 2014 - 10:24:50 in by salman abdi
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RUUSHKA OO DIGNIIN KU SAABSAN INUU JARI DOONO GAASKA U DIRAY QAAR KAMIDA DALALKA YURUB

    Xoghayaha gannacsiga ee maraykanka Jack Lew ayaa u sheegay dhigiisa dalka Ruushka in Washinton ay cunaqabateeno hor leh ku soo rogi doonto Ruushka, haddii Ruushka uu sii wado in uu huriyo mushkilada ka taagan Ukraine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha gannacsiga ee maraykanka Jack Lew ayaa u sheegay dhigiisa dalka Ruushka in Washinton ay cunaqabateeno hor leh ku soo rogi doonto Ruushka, haddii Ruushka uu sii wado in uu huriyo mushkilada ka taagan Ukraine

Madaxweyne Putin ayaa warqad u qoray hogaamiyayaasha 18 dal oo kamid ah Yurub, wuxuuna uga digay in la jari doono gaaska ay Ruushka ka helaan taasoo uu sabab uga dhigay arinta dalka Ukraine.

Waaxda arimaha dibadda ee Mareykan-ka ayaa Ruush-ka ku eedeysay in awoodiisa gaas-ka uu u adeegsanayo inuu Ukraine ku maamulo.

Isagoo soo xiganaya sida xooggan ee sara ugu kacday lacagta Ruushka uu uga iibiyo gaaska dalka Ukraine, ayaa afhayeenka waaxda arrimaha dibeda ee maraykanka Jen Psaki waxa ay sheegtay in maraykanka uu cambaareynayo isku dayga Ruushka uu ku doonayo in uu u adeegsado tamarta awood uu ku mukhuuniyo Ukraine.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa telefonka kula hadlay hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyadoo uu sii xoogeysanayo walaac laga qabo in

mushkilada ka taagan Ukraine ay saameyn ku yeelato gaaska waddamada yurub ay ka iibsadaan Ruushka ee la soo marsiiyo dhuumo mara dalka Ukraine.

Xoghayaha gannacsiga ee maraykanka Jack Lew ayaa u sheegay dhigiisa dalka Ruushka in Washinton ay cunaqabateeno hor leh ku soo rogi doonto Ruushka, haddii Ruushka uu sii wado in uu huriyo mushkilada ka taagan Ukraine.