Madaxwaynaha Kenya Oo Amar Ku Bixiyey In Xayiraadda Laga Qaado Xawaaladaha Soomaalida.iyo shirkadda Dahabshiil oo so dhoweysay Tallaabadaas

0
Friday June 19, 2015 - 12:06:13 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Kenya Oo Amar Ku Bixiyey In Xayiraadda Laga Qaado Xawaaladaha Soomaalida.iyo shirkadda Dahabshiil oo so dhoweysay Tallaabadaas

    Dawladda Kenya ayaa muuujisay inay diyaar u tahay in la qaado xayiraaddii lagu soo rogay 13 shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya dirista lacagaha ama xawaaladaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Kenya ayaa muuujisay inay diyaar u tahay in la qaado xayiraaddii lagu soo rogay 13 shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya dirista lacagaha ama xawaaladaha.


Hadalkan waxaa jeediyey madaxeynaha Kenya Uhuru Kenyatta munaasabadda curashada bisha Ramadaan. Kenyatta ayaa amray bangiga dhexe ee Kenya inuu soo saaro shuruuc isla markaana uu qaado xayiraaddii la saaray shirkaddaha lacaga dira.

 

Shirkadahan ayaa xayiraadda la saaray kadib weerarkii ay Al-Shabab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa bishii Apriil ee sannadkan.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshil, Cabdirashiid Dahabshil ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid lagu farxo.

Dhinaca kale, dadka dagan Kenya ayaa soo dhaweeyay go’aanka xayiraadda looga qaadyo shirkaddaha xawaaladaha. 




Contact@afkashacabka.com