Suldaan Daakir Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Barkhad Jaamac Xirsi Iyo Hawl Galkii Ciidamada Amaanka Ee Xaafada Daami, Fariina Culus U Diray Xukuumada

0
Friday June 19, 2015 - 15:50:31 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Daakir Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Barkhad Jaamac Xirsi Iyo Hawl Galkii Ciidamada Amaanka Ee Xaafada Daami, Fariina Culus U Diray Xukuumada

    Hargeysa(AFKA):-Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa si kulul u canbaareyey xadhigii la taliyihii hore ee madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xirsi iyo falkii ciidanka amaanku ka gaysteen xaafada daami ee mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa si kulul u canbaareyey xadhigii la taliyihii hore ee madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xirsi iyo falkii ciidanka amaanku ka gaysteen xaafada daami ee magaalada Hargeysa.


Suldaan Daakir oo ku sugan magaalada Burco ayaa warbaahinta u sheegay inay aad uga xun yihiin falka ka dhacay xaafada Daami iyo xadhiga Barkhad Jaamac Xirsi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Waxaan aad iyo aad uga xumahanay una Cambaaraynayaa Xadhiga Xaqdarada ah ee lagu la kacay Mudane Barkhad Jaamac Hirsi iyo Tacadiyada Maalinba maalinta kasii danbaysa ka soo daraya ee ay xukuumada Siilaanyo ku Hayso Bulsha waynta Gabooye,iyadoo Xataa bishii Barakaysnyad ee Ramadaanta ahayd uga dhigtay in ay ku afuriso umada ku dhaqan Xaafada Daami Rasaas Hoosta ay ugu dhigayaaan Ciidamada amniga oo aan la garanayn iyagu Cida ay ka Amar qaadanayaan.” ayu yidhi

Sidoo kale waxa uu xukuumada ku eedeeyey inay dhibaato joogto ah ku hayso bulshada beelaha Gabooye waxaanu yidhi "waxaana wada ogsoontihiin Xukuumadan maanta Jirtaa in ay Caadaysatay in markasta ay Hanjabaad iyo Caga jugleyn xidhis kula kacda Cidkastoo Mucaaraada ama ka soo horjeesata dulmiga ay ku haysto Bulshada Somaliland Gaar ahaan Bulshada Gabooye oo iyagu Horayba uga qatanaa Xukuumada, Haatana Siyaasiyiinteedii iyo Haldooradeedii lagula kacayo Xadhig iyo Xoriiyad ka qaadis.”

Sidoo kale waxa uu fariin u diray Bulshadiisa waxaanu yidhi "Bulshada gabooye waa Bulshada qudha ee aan qori qadan ee aan ku suntanayn colad waa Bulsho alle ugu deeqay dulqaad iyo nabad jacayl waad arkaysan waxa dulmi iyo cadaadis ay ku hayso xukumda faashilka ah ma aha in ay ka doondoonto xukumadu inay bilaban amni daro iyada oo lagu jiro bisha barakaysan waxanu ka xunahay oo aanu ka soo horjeedna maati da lagu afuriyay xabada arxan darrada ah.”

Dhinaca kale waxa uu sheegay in mudooyinkii u danbeeyey ay xukuumadu dhibaatooyin kala duwan ku haysay bulshada ku dhaqan xaafada Daami ee magaalada Hargeysa waxaanu mar kale yidhi "Mudooyinkii ugu danbeyeyna Xukuumada siilaanyo waxa ay faragalin iyo Hanjabaad kula kacaysay Xafada Daami oo ah xaafad ay dagaan bulsho Masaakiinta ah, oo markasta oo fal yari ka dhacaba Boolisku u adeegsadaan rasaas nool nool in ay hoos ugu dhigaan umad aan hubaysnayn, xoog iyo awoodna lahayn ay wax iskaga celiyaan.”

Suldaan Daakir waxa uu intaas raaciyey "Anigu ka suldaan ahaan ku baaqi maayo in qori la qaato balse waxaan ku baaqayaa in cadaalada loo sinnaado, Maanta hadii qofkii ay xukuumadu u aragto in uu danaheeda wadayn il qaloocan ku eegto taas waxa ay meel kaga dhacaysaa qaran nimadii iyo dimuqraadiyadii xukuumadani ku fanaysay” ayu hadalkiisa ku soo xidhay Suldaan Daakir xasan khaliif


Cabdirisaaq koronto
Afkashacabka
Hargeysa/Office