Labo Kooxood Oo Ingariis Ah Oo Isku Eedeynaya Inay Iska Xadeen Line-upka Ka Hor Kulankooda.

0
Friday April 11, 2014 - 10:50:32 in by salman abdi
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Kooxood Oo Ingariis Ah Oo Isku Eedeynaya Inay Iska Xadeen Line-upka Ka Hor Kulankooda.

    Wargeyska The Sun ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Cardiff City oo careysan inay shalayto la kulmeen madaxda Premier League iyagoo sheeganaya in Crystal Palace ay si xatooyo ah ku heshay line-upkooda labo maalmood ka hor kulankii sabtida ee muhimka a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Sun ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Cardiff City oo careysan inay shalayto la kulmeen madaxda Premier League iyagoo sheeganaya in Crystal Palace ay si xatooyo ah ku heshay line-upkooda labo maalmood ka hor kulankii sabtida ee muhimka ah u dagaalka xaga hoose ee horyaalka.


Crystal Palace Iyo Cardiff City ayaa bartamaha kaga jira duufaan ah in ay isjaajuuseen ama isbasaaseen.

Wargeyska The Sun ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Cardiff City oo careysan inay shalayto la kulmeen madaxda Premier League iyagoo sheeganaya in Crystal Palace ay si xatooyo ah ku heshay line-upkooda labo maalmood ka hor kulankii sabtida ee muhimka ah u dagaalka xaga hoose ee horyaalka.

Kooxda reer Wales ayaa ku eedeysay agaasimaha isboortiga Crystal palace Iain Moody inuu jaajuus ama basaas u isticmaalay xerada tababarka Cardiff si uu u soo heli line-upka tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Cardiff ayaa xitaa sheegtay in xubin ka tirsan kooxdooda uu xitaa qirtay in si toos ah loo weydiistay inuu line-upka soo gudbiyo.

Laakiin Crystal Palace ayaa si carro leh u beenisay sheegadaan la yaabka leh.

Moody, oo ka shaqeyn jiray Cardiff City ka hor inta aan la ceyrinin bishii October ayaa yiri: "Uma maleynayo inaan sameeyay wax qalad ah.”

Ninka qeybta ka leh Crystal Palace Steve Parish ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa aysan marnaba helin line-upka Cardiff City balse uu wakiil u akhriyay 11 magac kaliya sagaal ay run ka noqdeen.

Crystal Palace ayaa kulankii sabtida ku badisay 3-0, iyadoo Parish uu yiri: "Hadalada Cardiff City waa ku qaraar.

"Waan la ciyaarnay Cardiff waana garaacnay si cadaalad ah.

"Iain waxa uu ii xaqiijiyay inuusan cid ka tirsan Cardiff si toos ah u la hadlin ama uusan isku dayin inuu kooxdooda helo.

"Si kastaba waxa uu taleefan ka helay wakiil kaasoo siiyay 11 magac.

"Laakiin labo ka mid ah qalad ayay aheyd, sidaasi darteed xitaa nalagu ma eedeyn karo inaan helnay line-up sax ah.”

Madaxda Premier League ayaana xaqiijiyay inay baarayaan arintaan, laakiin waxa ay diideen inay faahfaahin dheeri ah bixiyaan.