Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Iyo iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo Kormeeray Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

0
Friday June 19, 2015 - 16:15:59 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Iyo iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo Kormeeray Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

    Muqdisho(AFKA)Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar oo ay wehliyaan Taliyeyaasha nabadsugidda, Jen. Tuuryare, Asluubta, Jen. Bashiir Goobe iyo Booliiska, Jen. Maxamad Sheekh ayaa soo kormeeray Waddooyinka 30-ka, Warshadaha, Shaqaalaha, Wadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar oo ay wehliyaan Taliyeyaasha nabadsugidda, Jen. Tuuryare, Asluubta, Jen. Bashiir Goobe iyo Booliiska, Jen. Maxamad Sheekh ayaa soo kormeeray Waddooyinka 30-ka, Warshadaha, Shaqaalaha, Waddada 21-Oktoobar iyo kuwo kale oo howlbowle u ah isku socodka guud ee magaalada Muqdisho

.

Kormeerkan oo dhacay xalay ayay ujeeddadiisu ahayd u kuur-gelidda Amniga Caasimadda maadaama la galay Ramadaan, iyagoo socod ku maray waddada isku xirta Xaafadaha Laba-dhagax iyo Cali Kamiin oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyagoo shaah la cabay qaar ka mid ah dhallinyarada ku nool Laba-dhagax.

Mas’uuliyiintan ayaa intii ay Kormeerkooda ku jireen waxay Wasiiradda booqdeen koon-taroollo ciidamada Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Dowladda Somalia u yaalla, kuwaasoo qayb ka ah qorshaha lagu sugayo amniga guud ee Caasimadda Somalia.

Ciidamada Ammaanka dowladda ayaa la arkayay iyagoo si gaar ah u ilaalinaya Amniga Masaajidda ku yaalla Degmooyinka Muqdisho qaarkoodoo lagu tuknayay Taraawiixda, iyagoo ku sheegay howshan inay tahay mid looga hortagayo weeraro ka yimaada Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay kormeerkooda, ayaa sheegay inay kusoo gaba-gabeeyeen kormeerkooda Bankiga Dhexe ee SOmalia, uuna ahaa mid ay ugu kuur-galayeen sida ay u shaqeynayaan ciidamada Amniga ee sugaya Ammaanka Caasimadda Somalia.

Ugu dambeyn, Ciidamadda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya iyo Booliiska ayaa sameeyay diyaar-garoowgii ugu sarreeyay ee lagu sugayo amniga Muqdisho inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Contact@afkashacabka.com