Wasiirka Ciyaaraha & Guddoomiye Xigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Furay Tartanka Koobka Ramadaanta Ee Garoonka Xawaadle.+Sawiro

0
Saturday June 20, 2015 - 08:45:55 in by salman abdi
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ciyaaraha & Guddoomiye Xigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Furay Tartanka Koobka Ramadaanta Ee Garoonka Xawaadle.+Sawiro

    Guddoomiye xigeenka xisbul-xaakimka Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye xigeenka xisbul-xaakimka Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa ...

si wada-jir ah garoonka kubadda cagta Xawaadle ee caasimadda Hargeysa shalay ka furay tartanka bisha Ramadaan, waxaana sidoo kale ay guddoonsiiyeen guddida tartankaas guud ahaanba agabka uu ku qabsoomayo tartanku.

imageimageimage

Guddoomiye xigeenka xisbiga Kulmiye, Wasiirka dhallinyarada ciyaaraha iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha waxaa garoonka Xawaadle si balaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynihii tirada badnaa ee ku sugnaa, ciyaartoydii, iyo taageerayaashii ku sugnaa garoonka, iyaga oo halkaas dhammaantoodba si aad ah uga mahad-celiyey furitaanka koobka ciyaaraha kubadda cagta bisha barakaysan ee Ramadaan iyo sida oo kale guddoonsiinta Direysyada, Koobabka iyo Kubaddaha lagu ciyaaro, iyaga oo halkaas ka cadeeyey in si mug leh u bar-bar istaagi doonaan xisbiga Kulmiye.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha tartanka bisha Ramadaan ee garoonka Xawaadle Mr. Mukhtaar Cabdi Aadan waxa uu uga mahad-celiyeen guddoomiye Maxamed Kaahin iyo Wasiirka ciyaaraha sida ay u qiimeeyaan xaafadda 26-ka Juun, waxaana ay tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin in guud ahaanba Agab ciyaareedkii tartanka la guddoonsiiyo, waxaana sidoo kale uu carabka ku dhuftay in xaafadda 26-ka Juun aanay marnaba ilaawi doonin sida xisbiga kulmiye iyo xukuumaddiisu ay u bar-bar taagan tahay.

imageimage

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay kuna dheeraaday muhiimada tartamada bisha Ramadaan iyo muhiimada uu leeyahay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka wasaarad ahaan ay mar walba garab taagan yihiin taageerida tartamada kala duwan, iyo wax kasta oo kor u qaadaya dhiiri-geliyana guud ahaan dhallinyarada Somaliland. Agaasime Dhabeeye ayaa soo dhaweeyey wasaaradda Maaliyadda oo kala shaqaysay inay gacan siiyaan tartankan. Sidoo kale waxa uu so dhaweeyay hal-ku-dhiga tartanka ee ah "Ha dhibin qof dhibin”, maadaama ciyaaruhu yihiin madal la iskugu soo dhawaado oo aan la isku faquuqin lana isku cunsuriyadeyn.

Ciyaaraha

Ugu dambeyntii Guddoomiye xigeenka Xisbiga talada haya Md.Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa ciyaartoyda, taageerayaasha iyo guddida garoonka Xawaadle uga mahad-celiyey sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana ay xuseen in xilligan dedaal dheeraad ah oo xukuumada talada haysaa samaysay ay kor u kaceen ciyaarihii, taas oo ay ugu dambeysay in Somaliland tartan heer caalami ah bishii hore dalka UK kaga qeyb-gashay. Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa xusay in ka Xisbi ahaan ay ka go’an tahay kor u qaadida iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha. Wasiirka ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa isaguna xusay in muddada tartankani uu socon doono ee bisha Ramadaana ay mar walba ka war-hayn doonaan, iman doonaana garoonka Xawaadle, si ay dhallinyarta dareen ahaan ugala qeyb qaataan xiisaha ay u qabaan ciyaaraha.