Haldoor Barkhad Jamac oo ka tirsan Masuliyinta Xisbiga WADANI Horena u aha lataliyaha Madaxweynaha aya ka dareen celiyey dib u helidda xoriyadisa

0
Saturday June 20, 2015 - 08:57:03 in by salman abdi
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haldoor Barkhad Jamac oo ka tirsan Masuliyinta Xisbiga WADANI Horena u aha lataliyaha Madaxweynaha aya ka dareen celiyey dib u helidda xoriyadisa

    Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi, la taliyihii hore ee Madaxwaynaha Somaliland, haatanna ah xubin ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa goordhowayd xorriyadiisii loo soo celiyey ka idb ,markii habeenkii xalay xabsiga loo taxaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi, la taliyihii hore ee Madaxwaynaha Somaliland, haatanna ah xubin ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa goordhowayd xorriyadiisii loo soo celiyey ka idb ,markii habeenkii xalay xabsiga loo taxaabay.

Inkastoo aanahay cadayn sababta rasmiga ah ee xadhigiisa ka dambaysa haddana, Barkhad waxa uu sheegay inaanu garanayn sababta loo xidhay, wax jawaab ahna aan laga siin arrintaas.

Barkhad Jaamac Xirsi oo daqiiqado ka hor bartiisa face-book soo dhigay qoraal uu ku sheegayosoo dayntiisa, isla markaana uu ugu mahadnqanayay shacabkii ka dareen celiyey xadhigiisa:

"Alx Ramadaan karim Gobey liico ha jabin waxaad dhamaantiin agteyda ka goysaan qadar weyn iyo qiimo mugleh intaana jecel cadaalada necebna dulmiga ilaa xalay qowl iyo qoraalba igu hiilneysa bulshada somaliland waxa marag madoon ah iney yihiin dad nasab ah oo jecel wanaaga cid kasta oo kaalin ku laheyd sii deyntayda waan uga mahadcelinayaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin hadda ayaa la i soo daayey xadhigii xalay ee la igu xidhay bilaa sabab li ida anigoo markaas un ka soo baxay masjidka sheekh dirir taraawixdii, marki hadda la i soo daynayey ayaan waydiiyey maxaad igu soo xidheeno waxa la igu yidhi waa amar xaga sare ka imid! fal danbiyeed faraha kulmaan jirin, cid cirdigeed waxba uma dhimin, balaayo maan falin haddana garan maayo ula jeedka waa ramadaan afkaygaan haysan balse qoraal kooban ayaan idink soo tabin siday wax u dhaceen Somaliland guul iyo gobonimo waarta Gobey liico ha jabin”