Madaxweynaha Maraykanka oo Markii uhoreysay Safar ku tegaya Dalka Itobiya

0
Saturday June 20, 2015 - 09:46:33 in by salman abdi
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maraykanka oo Markii uhoreysay Safar ku tegaya Dalka Itobiya

    Barack Obama ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo isaga oo xilhaya booqda dalka Itoobiya sida laga sheegay aqalka cad ee Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barack Obama ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo isaga oo xilhaya booqda dalka Itoobiya sida laga sheegay aqalka cad ee Maraykanka.


Obama waxa uu u safri doonaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa dhamaadka bisha lixaad ee sanadkan.


Dalka itoobiya waxa uu kala hadli doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin, dardar galinta kobaca dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo sidii sare loogu qaadilahaa ammaanka, sidaasi waxaa sheegay xoghaya saxaafada ee aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka.


Socdaalkaas kahor waxa uu booqan doonaa dalka Kenya safarkaas oo horay loo sii shaaciyay, Kenya waa dalkii uu aabihii ka soo jeeday.
Safarkana waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey oo isaga oo madaxweyne ah uu ku booqdo dalkaasi.


Hogaamiyaha Maraykanka waxa uu Kenya kaga qaybgalayaa shir ku saabsan hal abuurka ganacsiga.


Obama waxa uu horay u booqday dalalka Ghana, Masar, Senegal, Tanzania iyo Koonfur Afrika.