Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo xalay Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

0
Saturday June 20, 2015 - 15:14:58 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo xalay Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

    Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Saqdii Dhexe ee Xalay Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Muqdisho u jirta 30-km, iyadoo ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Saqdii Dhexe ee Xalay Weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Muqdisho u jirta 30-km, iyadoo ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.


Wararka laga helayo Afgooye ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerareen Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana ay muddo kooban Qabsadeen saldhiga Booliska Afgooye.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay muddo ku sugnaayeen gudaha degmada, waxaana la sheegayaa inay horay u kexeysteen dhowr gaari oo yaallay saldhigga booliiska degmadaas oo ay isaga baxeen xilli dambe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, balse aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn, waxaana uu ka socday dagaalku gudaha degmadaas muddo saacado ah.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Koontaroolka Baar Ismaaciil ayaa dib u celiyay sida la sheegay xoogaggii Al-shabaab ee Afgooye soo weeraray, kuwaas oo markii dambe isaga baxay degmada.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkii xalay ay Al-shabaab ku qaaday degmadaas , iyadoo xaaladdu ay saaka tahay mid deggen, baaritaanna ay ka socdaan gudaha Afgooye.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa kordhisay bishan Ramadaan Weerarrada ay ka geysanayso goobaha ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladuna ay sheegtay inay adkeysay amniga Muqdisho inta lagu jiro Ramadaanka.