War iyo Wacaal..Barnaamij Ruxay Quluubta Dhalinyarada Somaliland oo Xalay Mud Sharma'arke Gelle ku qabtay Hargeisa+SAWIRO

0
Saturday June 20, 2015 - 16:35:52 in by salman abdi
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War iyo Wacaal..Barnaamij Ruxay Quluubta Dhalinyarada Somaliland oo Xalay Mud Sharma'arke Gelle ku qabtay Hargeisa+SAWIRO

    Kulan si heersare ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka qabsoomay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan si heersare ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka qabsoomay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.

Ujeedada kulankan oo magaciisa lagu suntay WAR IYO WACAAL ayaa waxaa marti loogu ahaa Xoghayaha Wasaraada Madaxtooyada Mud, Sharma’arke Axmed Muxumed Gelle oo mudooyiinkii u dambeeyey ku sugnaa dalal kamida qaarada Yurub si xog iyo xasuus loola wadaago.

Munaasabada oo gabi ahaanba ka duwanayd kuwii horay dalka loogu qaban jiray ayaa waxaa si dhab ah la isaga waraystay tartanka aduunku ku jiro iyo waxyaabaha wanaagsan ee uu Sharma’arke ku arkay mudooyinkii uu safarka ku marayay dalalka Uk, Sweden, Germany, Malaysia iyo China oo uu socdaalo kala duwan ku maray mudooyin kala duwan.


Qodobada kulankan Sharma’arke salka uga dhigay ayaa ahaa:

1-Qaarada Yurub Qudhaada inaad u goyso ma u Qalantaa?

2-Dunidu miyey inaga dawlad fiican tahay mise way inaga dad fiican tahay?

3-Maxay tahay waxa mideeya dad kala diin, af iyo dhaqanba ah?

4-Sidee Qurbojoogta dalka iyo dal joogta loo midayn karo si guulo horle u soo hooyaan?

5-Ma qofnimadaada ayaad qiimo ku leedahay mise Qarankaaga?

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada dalka guud ahaan kuwaas oo si dhab ah uu Sharma’arke uugu bayaamiyey talaabooyinka ay tahay in ka umad ahaan la qaado ee aan u baahnayn dawlad iyo ictiraaf caalami ah midna! Sidoo kale wuxuu xusay qiimaha dhalinyarada qurbojoogta ah ee dalka u maqan isagoo xusay in ay tahay in marka ay dalka ku soo laabtaan la diyaariyo kulamo lagaga aqoon iyo khibrad korodhsanayo maadaama ay yihiin sahan dalka iyo dadka u maqan, sidoo kalana uu Qurbojoogta kula dardaarmay in aanay dalka guur iyo guri uun aanay u iman ee ay keenaan khibrad lagu manaafacsado. Isku soo wada duuboo kulankan ayaa ku dhamaaday jawi qiiro iyo qosolba leh sidoo kalena loo balamay in la abuuro dareen umadnimo oo ku dhisan is jacayl, ixtiraam iyo sidii dhalinyaradu uga qayb qaadan lahayeen in la helo dawlad sumcad iyo sharaf aduunka ku leh sidoo kalena la abuuray dallad kulmin doonta dhamaan dhalinyarada oo loogu magac bixiyey WAR IYO WACAAL. Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa goobta Sharma’arke dhalinyaradu ku gudoonsiisay Shahaado sharaf ay uugu yeedheen in uu yahay shakhsi si dhab u matali kara magaca dhalinyarada Somaliland guud ahaan isla markaana ay ku sifeeyeen shakhsi isku xidhi kara Qurbojoogta- Qaranjoogta dalka si loo helo umad dhan walba ka buuxda.