Oradyahanka Mo Faarax Oo Beeniyey Warar Sheegaya In Daroogo Laga Baadhaayo.

0
Saturday June 20, 2015 - 20:55:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oradyahanka Mo Faarax Oo Beeniyey Warar Sheegaya In Daroogo Laga Baadhaayo.

    Orodyahanka reer Somaliland ee u orda wadanka Ingiriiska Mo Faarax ayaa beeniyey warar sheegaayey in looga shakiyey isticmaalka Daroogooyin iyo dawooyin ,waxaanu sheegay in aanu weli isticmaalin dawooyinka jidhka awooda siiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka reer Somaliland ee u orda wadanka Ingiriiska Mo Faarax ayaa beeniyey warar sheegaayey in looga shakiyey isticmaalka Daroogooyin iyo dawooyin ,waxaanu sheegay in aanu weli isticmaalin dawooyinka jidhka awooda siiya.

Dhowaan ayay warbaahintu qortay in uu Mo Faarax u jaray koox doonaysay inay baadhitaano ku samayso dhinaca daroogada ah ,kuwaas oo doonaayey inay baadhaan inuu isticmaali jiray ka hor Olympic kagii London lagu qabtay sannadkii 2012 kii.

Baadhitaankan ayaa la sheegay inuu laba jeer ka baaqday ,iyada oo uu soo saaray qoraal uu ku sheegaayo in uu boqolaal jeer maray baadhitaano oo aan marnaba laga helin inuu dawooyinkaasi iyo daroogooyin midna qaatay.

Tabobaraha Mo Faarax Alberto Salazar oo u dhashay wadankaasi Maraykanka ayaa lagu wadaa baadhitaano la xidhiidha eedo loo soo jeediyey oo ah inuu adeegsaday dawooyin awoodda siiya ciyaaryahanada.

Waxaanu Sheegay Mo Faarax inuu dalbaday in uu jawaab ka bixiyo hadaladaasi tababarihiisa Salazar,isaga oo sheegay inuu dhowaan beenin doono cadayna uu bixin doono.


Contact@afkashacabka.com