Masuliyinta Sare ee Xisbiga WADANI oo Cisbitaalka ku Booqday Kaalmo lacag ahna Gaadhsiiyey Dhalinyaro Dhawac kaso gaadhay rabshadii ka dhacday Xafadda Daami+SAWIRO

0
Sunday June 21, 2015 - 07:58:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuliyinta Sare ee Xisbiga WADANI oo Cisbitaalka ku Booqday Kaalmo lacag ahna Gaadhsiiyey Dhalinyaro Dhawac kaso gaadhay rabshadii ka dhacday Xafadda Daami+SAWIRO

    Wefti ka socday Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hoggaaminaayey xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ka socday Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hoggaaminaayey xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani

 Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa maanta Cisbitalka guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dhalinyartii dhaawacu ka soo gaadhay rasaas ay ciidamadu boolisku ku rideen dhalinyaro dagaal ku dhex-maray Xaafadda Daami ee Hargeysa, waxayna ugu deeqeen waxoogaa lacag ah.

ratzuaytayvzyxq

Deeqda

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Inj.Cabdirashiid Riyo-raac oo ay booqashadan ku wehelinaayeen, xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha Daa’uud Food Xuseen Jaamac(Food-cadde), xoghayaha Dalxiiska Md.Mubaarik Cabdi Xasan Buuni, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, xoghaye ku xigeenka warfaafinta iyo Maxamed Muuse Tiyo, ayaa halkaasi kula kulmay dhalinyartii uu dhaawacu ka soo gaadhay rasaasta ay ciidamada Boolisku ku rideen.

qawewaHaddhyqqawqp

Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay rasaasta ay ciidamadu la dhaceen dhalinyarta isaga oo Illaahayna uga baryey dhalinyarta in uu siiyo caafimaad sareecan ah, waxaana uu sida oo kale uu u sheegay in uu ku wareejinaayo qadar Lacag ah oo guddoomiye Ciro uu ugu soo dhiibay dhalinyartu in ay Afur ka dhigtaan.