"Maadaama Anigu Marki hore ahaa IT, Waxan Samaystay Facebook an Bulshada ku wada xidhiidhno, Faaidooyinkiisana waxa ka mid ah..." WASIIR XIRSI

0
Sunday June 21, 2015 - 16:51:15 in by salman abdi
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maadaama Anigu Marki hore ahaa IT, Waxan Samaystay Facebook an Bulshada ku wada xidhiidhno, Faaidooyinkiisana waxa ka mid ah..." WASIIR XIRSI

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi X. Cali Xasan ayaa si qoto dheer waxa uu ka sheekeeyey deggeladda uu ku leeyahay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Internetka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi X. Cali Xasan ayaa si qoto dheer waxa uu ka sheekeeyey deggeladda uu ku leeyahay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Internetka.


Wasiirka Madaxtooyada oo Waraysi lala yeeshay waxa uu ka hadlay isticmaalka xidhiidhka bulshada ee Internetka, kaasoo uu sheegay inuu yahay wax ku cusub saaxadda siyaasiyiinta Somaliland, balse ay isaga caawisay Culuumta IT-ga oo uu soo bartay, waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlaaya"Runtii waxaan leeyahay deggel(Blog),aan kula xidhiidho bulshada, waanna wax ku cusub saaxadda dalkeenna oo siyaasiyiintu may ahayn wax ay isticmaalaan,laakiin waa wax dunnida caanka ah oo Madaxda adduunku isticmaallaan oo ay bulshada wax ugu gudbiyaan waa waxa loo yaqaano (Social Media),marka Shaqsiyaadka caanka ah ee Siyaasadda ku jiraa waxa ay Barahah Internetka ku leeyihiin bogag ay bulshada kala xidhiidhaan. Madaxdaa waxa ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Oboma iyo Raysal-wasaaraha UK David Camaroon, markaa dunnidu waa wax ay isticmaasho oo Madaxweynaha iyo Wasiirradu iyo Ninkasta oo siyaasiyi ahi uu isticmaalo waxa loo yaqaano xidhiidhka bulshada (Social communication).

Inkastoo uu ahaa wax ku cusub Somaliland, haddana aniga (Wasiir Xirsi), waxa aan ahaa IT,sidaa darteed waxaan ku talo-galay inaan samaysto meel aan bulshada kala xidhiidho.

Wasiirka Madaxtooyada Mr Xirsi waxa la su’aalay waxyaabaha uu ku soo bandhigo boggiisa, waxaanu yidhi "Waxaan ku soo bandhignaa waxkasta oo dawladdayda dan u ah, waxaan ku soo bandhignaa waxqabadkayga, wixii su’aallo ah ee bulshadu I waydiinayso ayaan kaga jawaabbaa, wixii aan bulshada u gudbinayo ayaan ku soo bandhigaa, markaa facebook-ganna waan soo geliyaa blog-nna waan soo geliyaa, waxa jira dhalinayaro I taageera oo magacayga ka furtay facebook-ga, waxaanu magacaygu ku jiraa afar iyo shan meelood, taanna si aan u middeeyo oon meel mucayin ah, waxa laga yaabbaa in qaar magacayga dadka ku caayaan amaba ay aflagaado ku gaystaan, laakiin waxaan ammaanayaa dhalinayaro badan oo I taageera oo magacayga isticmaalla imikanna aanu wada shaqayno, markaa meelahaas aanu wada shaqayno waxa lagu garan karraa xogaha dhabta ah ee aannu soo gelinno, waanan sheegayaa meelaha aan rasmiga ahayn.

Isticmaalka xidhiidhka bulshadu waxa faa’iiddooyinkiisa ka mid ah in Boqolaal kun oo qof aad warka u gudbin karto, is waraysan kartaan, wax kala baran kartaan, markaa aniga waxyaabaha ii geeyey waxa ka mid ahaa mar haddii aan siyaasaddii ku jiro inaanu bulshaddii is helnaa waa lagama maar-maan.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka waramay waxyaabaha uu ka qabtay Madaxtooyada iyo Hay’adda waddooyinka Somaliland, waxaannu yidhi "dawladdu qof jeclaysi kuma socotee waxay ku socotaa qorshaha uu Madaxweynuhu u dejiyo iyo sidoo kale dadka shaqada gacanta ku hayaa wixii tallo ah ee ay Madaxweynaha u soo gudbiyaan. Dabcan iyadoo mar walba shuruucda iyo Distoorka dalka la ixtiraamaayo, marka Wasiirkii hawlaha guud ee berigaas iyo guddoomiyihii Hay’adda waddooyinku labadooduba waxay talo ku keeneen in sida Hay’addu sida ay tahay wax laga bedelo, oo Hay’adda loo sameeyo nidaam, isla markaanna la hoos geeyo Wasaarad, taladii caynkaas ahayd ayuu Madaxweynuhu ku salleeyey.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada.

Waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi " Kolay-ba labada meelood ee aad wax iga waydiisay waxaan is leeyahay Waxqabad balaadhan ayaannu ka samaynay oo Madaxtooyadda waad dareemi kartaa sidii ay shalay ahayd, waanad is barbar-dhigi kartaa oo ishaa Macallin ah ee maaha wax aanu afka uun ka leenahay.