Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Jawaabay Eedo Ay U Soo Jeedisay Hay'adda Human Rights Center

0
Sunday June 21, 2015 - 21:51:38 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Jawaabay Eedo Ay U Soo Jeedisay Hay'adda Human Rights Center

    Masuuliyiinta maamulka gobolka Saaxil, ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen kaga jawaabay daryeel la'aan ay Hay'adda Human Rights Center sheegtay inay la kulmeen qaxoontiga Yemen ka soo cararaya gaar ahaan kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta maamulka gobolka Saaxil, ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen kaga jawaabay daryeel la'aan ay Hay'adda Human Rights Center sheegtay inay la kulmeen qaxoontiga Yemen ka soo cararaya gaar ahaan kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda Yemen.


Xarunta Xuquuqal Iisaanka ee fadhigeedu Hargeysa yahay ayaa warsaxaafadeed ay sabtidii oo ku beegnayd maalinta qaxoontiga dunida ku tidhi "Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.


 

Hadaba badhasaabka gobolka Saaxil, oo walaaca HRC ka jawaabaya ayaa arrintaasi mid aan jirin ku tilmaamay "Runtii qaxoontigii caadi buu u socdaa, labadii xarumood sidii caadiga ahayd baa loogu dejiyaa, xarun saddexaadna waanu diyaarinaynaa. Runtii dad baa jira qaxoontiga Somaliland ka hadlayay xalay, waxaan leeyahay waa qof aan waxba ogayn ama si kale wax u arkay ka shanqadhiyo qaxoontiga d waa lagu xumeeyay Berbera iyo Hargeysa. Marka Markabka laga soo dejiyo biyo ayaa la siiyaa, baabuur baa lagaga soo qaadaa xarada ayaa la keenaa, xerada waxaa loogu sii diyaariyay Caafimaadkii,cuntadoodii oo saddexda wakhti ah, biyihii” Ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.

Dhinaca kale hay’adda Xuquuqal Iisaanka ayaa qoraalkeeda oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha xaruntan u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Aadanaha ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa baaq loogu diray xukumadda iyo UNHCR "Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan Somaliland.”


Contact@afkashacabka.com