Dowlada Talyaaniga Ayaa Sii Daysay Muwaadin Soomali ah Oo ay 16 Sanadood Xabsi Ku Hayeen.

0
Sunday June 21, 2015 - 22:00:18 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Talyaaniga Ayaa Sii Daysay Muwaadin Soomali ah Oo ay 16 Sanadood Xabsi Ku Hayeen.

    Talyaaniga ayaa xorriyadiisii dib ugu celiyey Xaashi Cumar Xassan oo muddo ka badan 16 sanno ka badan ay ku hayeen Xabsiyo dalkooda ku yaalla. Muwaadin Xaashi, ayaa lagu eedeeyey inuu ka qeybgalay dilkii 20-kii March 1994 lagu dilay Ilario Albi iyo M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talyaaniga ayaa xorriyadiisii dib ugu celiyey Xaashi Cumar Xassan oo muddo ka badan 16 sanno ka badan ay ku hayeen Xabsiyo dalkooda ku yaalla. Muwaadin Xaashi, ayaa lagu eedeeyey inuu ka qeybgalay dilkii 20-kii March 1994 lagu dilay Ilario Albi iyo Miran Krovatin oo ahaa 2 saxafi oo u dhashay Talyaaniga laguna laayey Muqdisho.


Xaashi ayaa loo ogolaaday inuu dibad-joog ahaado, inkastoo maxkamada sare ee Talyaaniga ay go’aamisay in xabsigiisana uu ku dhammeysto meesha deegaanka u ah, uuna shaqo raadsan karo. Xaashi ayaa Maxkamadii ugu horreysay kaga guuleystay sannadkii 1998 Qareenkii dacwada ku soo oogay, hase ahaatee sannad gudihiis ayaa Maxkamadii uu ka guuleystay ay racfaan qaadatay, waxaanna Xaashi isaga oo aaminsan inaanu wax dambi ah gelin oo dalka Holland ku sugan uu Talyaaniga u yimi inuu goob joog ka noqdo dacwadaasi; isaga oo weliba doonayey in markaa kaddib magdhow weydiisto Dowladda Talyaaniga, hase ahaatee waxaa Maxkamadii ay ku xukuntay xabsi daa’in. Maxkamadii 3-aadna ee kama dambeysta aheydna waxay u bedeshay xabsi daa’inkii 26 sanno. Muddadii uu xidhnaa wuxuu soo maray xabsi aad u adag, waxaanna lagu xidhay meelaha lagu xidho dambiilayaasha ugu waaweyn ee Maafiyada Talyaaniga, ee loo diido in ay bannaan arkaan. Kiiska lagu xidhay Xaashi waxaa loo cuskaday markhaati uu furay Axmed Cali Raage (Jeelle) oo cod laga soo duubay la horkeenay maxkamadda, inkastoo isla xilliyadaas wareysi Jeelle uu la yeeshay suxufi Aadan Sebriye uu ku sheegay in ujeeddadiisu ay aheyd sidii uu Yurub ku iman lahaa keliya. "Aniga Talyaaniga ayaa iga soo qaaday Xamar si aan ugu markhaati furo Xaashi, anigana wax dhib ah uma arkeyn waayo inaan Yurub imaado ayaan muhiim ii aheyd; ninkan ayaa la keenayaa oo la xukumayaa isma laheyn” Idaacad Talyaani laga leeyahay oo dhowaan Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska wareysi ay ugu tagtay Jeelle, wuxuu sheegay in marqaati furkiisu ahaa masabid, wuxuuna Idaacadda hadaladii uu ka sheegay ka mid ahaa: "Idinka uguma horreeysaan dad aan wareysi siiyo saxafi Aadan Sabriye ayaan u sheegay 12 sanno ka hor in markhaati furkeygu aanu aheyn mid sax ah, waxaa iga keenay Viisaha aan Yurub ku imid”.

Dhinaca kale, waxaa iyana xusid mudan, Dowladihii Soomaaliya soo maray laga soo billaabo sannadkii 2000 ilaa iyo hadda marna ma jirin masúul u dhaqaaqay oo ka war doono xaaladiisa; xittaa safiiradii Soomaalida ee dalka Talyaaniga Nuur Cadde & Muuse Xassan midkoodna xabsiga uguma tegin Xaashi.



Contact@afkashacabka.com