Natiijada Doorashadii Itoobiya Oo La Shaaciyey, Yaa se ku Guuleystay Kuraastii Baarlamaanka Dalkaas

0
Tuesday June 23, 2015 - 08:14:22 in by Burco Office
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Doorashadii Itoobiya Oo La Shaaciyey, Yaa se ku Guuleystay Kuraastii Baarlamaanka Dalkaas

    Sida ay sheegeen guddida doorashooyinka ee dalka Itoobiya, waxa doorashadii dalkaasi ka dhacday ku guulaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen guddida doorashooyinka ee dalka Itoobiya, waxa doorashadii dalkaasi ka dhacday ku guulaystay

xisbiga talada haya ee EPRDF, waxayna sheegeen in xisbul-xaakimku uu dhammaan kuraastii baarlamaanka oo tiradoodu tahay 547 ku guuleystay.

Itoobiya waxay doorashada ka dhacday bishii la soo dhaafay 24-keeda waxaana la sii saadaalinayay in EPRDF ay ku guulaysan doonto.

Sida lagu wado dowladda cusub waxaa soo dhisi doona xisbiga doorashada ku guulaystay ee EPRDF, inkasta oo xisbiyada Mucaaradka ahi ku gacan saydheen natiijada doorashada ee guddida doorashadu shaaciyeen.

EPRDF waxay Itoobiya ka talinaysay 24-kii sano ee la soo dhaafay. waxaana lagu tilmaamaa dalkaasi inuu dhaqaalihiisa kobcay walow dimoqraadiyad ahaan ayna jirin loolan doorasho oo furan.

Doorashada Itoobiya