Madaxweynekuxigenka Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya hay'ada care Miss Michelle Nunn. +SAWIRO

0
Tuesday June 23, 2015 - 14:33:16 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynekuxigenka Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya hay'ada care Miss Michelle Nunn. +SAWIRO

    Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil " Saylici" ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya hay'ada care ama madaxweynaha Care Miss Michelle Nunn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil " Saylici" ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya hay'ada care ama madaxweynaha Care Miss Michelle Nunn

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane saylici waxa uu warbixin ka siiyey wafti ay hogaaminayso Nunn oo dalka safar shaqo ku yimid, xaalada dalku maraayo.

Halka Miss Michelle Nunn ay sheegtay in ay madaxa ka tahay ugu yaraan 90 dal balse ay iyadu doorbiday inay Somaliland ku horayso madaama ay ku cusub tahay xafiiska dhawaana la soo magacaabay, imaatinkayguna waxa uu I gelinayaa farxad dheeriya waayo in badan ayaan ku taamayey in aan indhaha ka soo qaado Jamhuuriyada somaliland.

 

waxa kale oo ay sheegtay inay hay’ada care iyo Somaliland si wada jira isaga kaashanayaan ka shaqaynta iyo kor u qaadida arrimaha bini-aadannimida, waxbarashada, farsamada gacanta iyo tayeynta tayada macalimiinta gaar ahaan haweenka macalimiinta ah.

 

geesta kalena madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan c/laahi saylici ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Miss Michelle Nunn iyo waftiga ay hogaaminayso.

 

madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay inay waftigan kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa hawlaha ay hay’adani dalka ka qabato isla markaana loogu fudaydin lahaa dhamaan hawlaheeda iyada oo la iskaashanayo hay’ada care iyo Somaliland.

 

DSC_0032DSC_0039DSC_0041DSC_0055DSC_0102DSC_0110

Contact@afkashacabka.com