Daawo: Suxufiyiinta Somaliland oo Shirjaraaid ku Qabtay Afaafka hore ee Madaarka Caasimadda. Maxayse ka hadleen?

0
Tuesday June 23, 2015 - 14:52:15 in by salman abdi
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Suxufiyiinta Somaliland oo Shirjaraaid ku Qabtay Afaafka hore ee Madaarka Caasimadda. Maxayse ka hadleen?

    Suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgasha Warbaahinta Madaxa Bannaan ayaa madaarka caasimadda ee cigaal shirjaraaid ku qabtay xilli uu Madaxweynaha somaliland ka soo degayey Madaarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgasha Warbaahinta Madaxa Bannaan ayaa madaarka caasimadda ee cigaal shirjaraaid ku qabtay xilli uu Madaxweynaha somaliland ka soo degayey Madaarka

Wariyayaasha ka hawl-gala hay’adaha warbaahinta Somaliland ayaa cabasho ka muujiyey in afhayeenka Madaxtooyada, Axmed Saleebaan Dhuxul iyo masuuliyiin kale ay si joogta uga hor-joogsadaan inay Madaxwaynaha Qaranka su’aalo ka waydiiyaan xaaladda dalku marayo.
Suxufiyiintan oo ka hawl-gala Telefiishannada, Wargeysyada iyo mareegaha Internet-ka laga akhristo ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hargeysa, ka dib markii loo diiday inay su’aalo waydiiyaan Madaxwaynaha oo ka soo laabtey dalka Itoobiya, ayaa ballan-qaadey in aanay dib u baahin doonin wararka Madaxweynaha Somaliland, maadaama bay yidhaahdeen aan la ogoleyn in Madaxwaynaha la waydiiyo su’aalo khuseeya xilka uu qaranka u hayo.
Wariye Axmed Cumar Timo oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa yidhi "Saxaafaddu xaq bay u leedahay inay Madaxweynaha su’aalo ka waydiiso xaaladda dalka iyo natiijada safarrada uu dibadda ugu baxo, waayo waxaanu u dhaxeynaa shacabka iyo Madaxweynaha…laakiin shaqsiyaad kooban ayaa naga hor-taagan su’aalaha isagoo Madaxwaynuhu taagan…”
Tifaftiraha Wargeyska Sahan oo ka soo baxa Hargeysa, Axmed Cali Cige ayaa isaguna sheegay "Waxaynu ogeyn Wargeysyo iyo wariyayaal la xidh-xidho, laakiin imika waxay mareysaa in wariyaha si toos ah afka loo qabto. Sidaa daraadeed waxaanu halkan ka sheegaynaa inaanu dhawaan samayn doono mudaharaad ka dhan ah afhayeenka Madaxtooyada, waayo Madaxwaynuhu sidii loo doortay hal maalin muu qaban shir jaara’id oo saxaafaddu ku waydiisay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ilaa haddana la nooma caddeynin sababta uu Madaxweynuhu u diidan yahay…”

Badri Koosaar oo ka mid ah Wariyayaasha Telefiishanka Star, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay "Mar kasta oo Madaxwaynuhu dalka ka baxayo ama soo degayo waxa waajib aanu ugu leenahay inaanu waydiinno waxa dalka ka dhacaya, markaa waxaanu maanta (shalay) laga bilaabo ballan-qaadeynaa in aanaan dib u duubin war Madaxweynuhu leeyahay, maadaama oo aan su’aalaha la noo ogolaaneyn..”ayuu yidhi.
Cabdirixiin Cabdillaahi (Bidaar) oo ka mid ah hawl-wadeennada Mareegta wararka ee Togaherer.com ayaa isaguna su’aal galiyey waxa afhayeenka Madaxtooyada iyo shaqsiyaadka la midka ahi ku helaan in aanay saxaafaddu wax su’aalo ah waydiinin Madaxwaynaha "Saxaafaddu waxay dadweynaha uga wakiil tahay inay Madaxwaynaha iyo siyaasiyiinta kaleba u waydiinno waxa dalka ka jira, laakiin xukuumaddu waxay hor-taagan tahay shaqadii warbaahintu xaqa u lahayd. Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo waxba la ima waydiinayo, laakiin koox qowlaysato ah oo aanu garan waynay waxay ku qaataan Madaxweyne waxaanu kaa joojinay su’aalihii, ayaa caqabad ku ah saxaafadda….”ayuu yidhi.
Madaxa wararka ee Telefiishanka HCTV, Cabdirashiid Caynte ayaa isaguna nasiib daro ku tilmaamay in su’aalo la waydiin waayo Madaxwaynaha Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay "Nasiib daro ayaanu u arkaynaa in su’aalo la waydiin waayo Madaxwaynaha Somaliland oo dalka ku soo laabtey. Arrinkan waxa ka dambeeya afhayeenka Madaxtooyada…” ayuu yidhi, Wariye Caynte..