Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kulankii Dhexmaray Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweyne Axmed Silaanyo.

0
Wednesday June 24, 2015 - 07:47:08 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kulankii Dhexmaray Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweyne Axmed Silaanyo.

    Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka hadlay kulankii dhexmaray Raysal Wasaaraha dalkaasi Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wasiirka oo qoraal kooban arrintaas kaga hadlay wuxuu yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka hadlay kulankii dhexmaray Raysal Wasaaraha dalkaasi Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wasiirka oo qoraal kooban arrintaas kaga hadlay wuxuu yidhi:

"Illaahay ayaa mahadle oo waxaan soo nabad gaadhnay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa kadib markaan kasoo laabanay safar shaqo oo aan laba maalmood ku joognay Caasimada dawlada Ethiopia ee Addis Ababa.

Waftigan oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud, Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehlinayno xubno kamida golahiisa Wasiiradu ayaa ujeedadiisu ahayd adkaynta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada:
- Ganacsiga , Xoojinta ilaalinta nabadgelyada iyo Iskaashiga horumarka

Waftigan oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxda uugu saraysa dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia ayaa waxaa si milgo dawladnimo huwan u qaabilay Ra’isal Wasaaraha dawlada Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ay wehelinayaan xubno sare oo ka socda dawladaEthiopia.

Dawlada Ethiopia ayaa dhankooda adkeeyey qiimaha ay u hayaan Dawlada Somaliland iyo kaalinta ay Somaliland kaga jirto ilaalinta amaanka mindaqada guud ahaan sidoo kalena xusay in Somaliland ay hiil iyo hormuud u tahay nabada iyo dimuqraadiyada.

Kulankan ayaa wax badan ka tari doona dhinacyada xoojinta xidhiidhka diblomasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.