Madaxda Gobolka Saaxil oo Xadhiga ka jaray Masaajid weyn oo qurux badan oo laga Dhex dhisay Dekeda Berbera

0
Wednesday June 24, 2015 - 08:11:24 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Gobolka Saaxil oo Xadhiga ka jaray Masaajid weyn oo qurux badan oo laga Dhex dhisay Dekeda Berbera

    Xaflad balaadhan oo Afur ah oo xadhigga lagaga jarayay Masaajid cusub oo uu dhisay maareeyaha Dekeda Berbera aya lagu qabtay gudaha Masaajidkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad balaadhan oo Afur ah oo xadhigga lagaga jarayay Masaajid cusub oo uu dhisay maareeyaha Dekeda Berbera aya lagu qabtay gudaha Masaajidkaasi

Masaajidkan ayaa ku yaalla xaafada barwaaqo ee magaalada berbera.

Munaasibadda waxa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Maareeyaha dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (xoor-xoor) badhasaabka gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, Isuduwaha diinta iyo Awqaafta ee gobolka saaxil, culimo u diinta Magaalada iyo Dadweyne fara badan.

misaajid2

Hadal uu halkaasi ka jeediyay Maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor ) waxa uu ka waramay qiimaha uu xaafadan iyo magaalada Berbera u leeyahay masaajidkan oo uu sheegay in looga baahan yahay in la soo camiro isla markaana lagu dedaalo sidii looga ilaalin lahaa dayaca loogana shaqayn lahaa nadaafadiisa. Eng Cali Xoor-Xoor waxa uu sheegay in masaajidkani maanta laga bilaabo uu noqon doono mid ka mid ah kuwa lagu cibaadaysto ee magaalada berbera, ilaalintiisa iyo soo camiridiisuna tahay mid u taala dadka xaafadda "Amaanta iyo Ducada Masaajidkan waxa iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Maadaama uu Kharashkiisa iyo Ogolaanshihiisa iyo hawshiisaba isaga uu iska lahaa Alle haku ilaaliyo Cimrigiisa Caafimaadkisa iyo Xaaskisa iyo Ubadkiisa Khayrka Masaajidkan, waa arin heer qaran ah Dhismayaasha Masaajiiddu, waa arin Dawladaha Lagu yaqaanay Inay ku dadaalaan hagaajinta diinta in loo dadaalo, inta badan masaajiidda waxa lagu dhisa qaadhaan bulshada dhexdeeda ah, laakiin lacagta masaajidkan lagu dhisay waa lacag dawladeed boqolkiiba boqol, Madaxweynaha ayaa amarkeeda Lahaa, anguna qabashadeeda ayaanu lahayn” ayuu yidhi Maareeye Cali Xoor Xoor waxaanu isgoo intaasi ku daray "Dhismaha Masaajidka illaahay baa wax lagaga doonaya, waxaynu ognahay in dadkii misaajidada berbera dhisay kuwii dayactiray ay dhinteen, maanta inaga ayaa joognaa waxa la doonayaa inay masaajiidda xil iska saarno, waxaana lagu eegi doono dadka wax gacanta ku haya ee awooda”

Badhasaabka Gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar ayaa isna sheegay inay farxad u tahay in reer Berbera maanta helaan masaajid noocan oo kale ah, . waxaanu dadka xaafadda barwaaqo ku booriyay in looga baahan yahay in ay masaajidkan ka faa`iidaystaan isla-markaana ku camiraan cibaado.

Maayarka Magaalada Berbera, Cabdishakuur Cidin ayaa Isna ka hadlay Ahmiyadda uu leeyahay Masaajidku iyo faa’iidooyinka wax ku oolka ah ee dadka xaafadda iyo guud ahaan Magaalada Berbera Ku soo Kordhinayo "Waxaanu illaahay uga baryeynaa cid kasta oo ka qeybqaadatay in Eebe miisaanka xasanaadkiisa ugu daro, inagana waxa la inooga baahanyahay inay ka qeyb qaadano ku cibaadeysigiisa iyo ka faa’iideysigiisa bisha barakeysan ee ramadaan ee aynu ku jirno”

Isu duwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolka Saaxil, Sheekh Maxamed ayaa isna ka waramay fadliga iyo faa`iidada uu leeyahay cidda dhista masaajidada iyo goobaha cibaadada, waxaana uu sheegay in cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha maasjidkan oo uu ugu horeeyo Maareeye Cali uu ilaahay Miisaanka xasanaadka ugu daro khayrka iyo ajarkiisa.

misaajidka

Masaajidkan ayaa ah mid ka kooban laba dabaq, oo si qurux badan loo dhisay isla markaana loo dhamaystiray dhammaan wixii looga baahnaa masaajid ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada berbera si weyn u soo dhaweeyeen. 

Iyaga oo Alle uga baryay in uu khayr siiyo cid kasta oo gacan weyn ka gaysatay dhismaha masaajidkan oo uu ugu horeeyo Maareeye Cali Xoor-Xoor iyo Xukuumadda Uu gadhwadeenka Ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. 



Contact@afkashacabka.com