"Khatumo waa Jabhad duur gal ah, wax faa'iido ah oo ay qaadaysaana ma jirto, wakhtigii jabhadahana waa la soo dhaafay" Wasiir Cadami

0
Wednesday June 24, 2015 - 08:31:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Khatumo waa Jabhad duur gal ah, wax faa'iido ah oo ay qaadaysaana ma jirto, wakhtigii jabhadahana waa la soo dhaafay" Wasiir Cadami

    Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen Ciidamada OPU-ga ee loo tababarayey Shirkadaha sahaminta Shidaalka ka bilaabaya Somaliland, .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen Ciidamada OPU-ga ee loo tababarayey Shirkadaha sahaminta Shidaalka ka bilaabaya Somaliland, .

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sido kale digniin u diray maleeshiyaadka Khatumo iyo Puntland, waxa uu Khatumo ku tilmamay inay tahay Jabhad duurgaleen ah, halka uu Puntland ugu baaqay inay xadkeeda ku eekato, "Khatumo waa Jabhad duur gal ah, wax faa’iido ah oo ay qaadaysaana ma jirto, wakhtigii jabhadahana waa la soo dhaafay, qolada Puntland weynu is ognahay weynan u sheegnay, weyna ogsoon yihiin mawqifkaayga, Nin ama laba Nin oo halkan ka tagay oo danaystayaal ahi inay wax isku dhuftaan oo halkaas khasaare ka dhasho Adduunkuna yidhaahdo halkaas dagaal ayaa ka socda waxba loo qaban waayo inaga iyo iyaga midna faa’iido uguma jirto, Siyaasad cad oo la iskaga hor iman karo waa laga wada hadli karaa, laakiin dhumaalaysi uu dhabarku muuqdo iyagana dani uguma jirto inagana dani inooguma jirto, Maamulkooda oo dhana wax uu u dhan yahay maaha ee waa shaqsiyaad, Nin dab la wareegaya oo war xumo tashiil ahi inuu dab huriyo, colaadna abuuro maaha, haddii aan waxyaabahaas laga waantoobina waxaas carab ku dhacaya ayaa inagu dhici doona”.

 

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlay socdaal uu Taliyaha Ciidanku Qaranku ku tagay Gobolada Barri, ayaa yidhi "Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland dhawaan socdaal uu ugu kuurgalayo xaalada Ciidamada ayuu ku tagay Ciidamada jiida ee Gobolada Barri, Ciidamada Qaranka Somaliland waa Ciidamada, dalkooda iyo dadkooda mar walba heegan u ah, diyaarna u ah inay dalkooda ka difaacana cadawga, markaas wax kasta oo la wado iyo wax kasta oo la sameeynayo, haddii ay Umaddu isku xidhan tahay oo ay midaysan tahay, cadawgana meel ugu soo wada jeedsato cid soo holin kartaaba ma jirto, waxaana muhiimadu tahay inay mar walba Ciidamadooda kala duwan la shaqayeen”.

Wasiir Caddami ayaa mar aanu wax ka weydiinay halka ay ku dambeeyeen Ciidamadii OPU-da ee loo tababarayay Shirkadaha Shidaalka ayaa yidhi "Qofka wax walba tuhunsani isaga ayaa cid walba ka dambi badan, mar walba maluhu waa iska malo-awaal, markaas Ciidamadii waxa ay Siyaasiyan ku xidhnayd inay xagga sare ka soo dhammaato, iyaga tababarkooduna waxa uu qaadanaya inta uu qaato tababarka Ciidamada kale, Ciidamo tababarani wey joogaan, waxaana loo baahan yahay inay ka soo dhammaato xagga sare, walina wax ayaa ka hadhay, oo wali dhinaca Shirkadaha iyo dhinaca Dawladda ayaanay ka dhammaanin hawshoodii”.