Suxufiyiintan oo ka hawl-gala Telefiishannada, Wargeysyada iyo mareegaha Internet-ka laga akhristo ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hargeysa, ka dib markii loo diiday inay su’aalo waydiiyaan Madaxwaynaha oo ka soo laabtey dalka Itoobiya, ayaa ballan-qaadey in aanay dib u baahin doonin wararka Madaxweynaha Somaliland, maadaama bay yidhaahdeen aan la ogoleyn in Madaxwaynaha la waydiiyo su’aalo khuseeya xilka uu qaranka u hayo.
Wariye Axmed Cumar Timo oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa yidhi "Saxaafaddu xaq bay u leedahay inay Madaxweynaha su’aalo ka waydiiso xaaladda dalka iyo natiijada safarrada uu dibadda ugu baxo, waayo waxaanu u dhaxeynaa shacabka iyo Madaxweynaha…laakiin shaqsiyaad kooban ayaa naga hor-taagan su’aalaha isagoo Madaxwaynuhu taagan…”
Tifaftiraha Wargeyska Sahan oo ka soo baxa Hargeysa, Axmed Cali Cige ayaa isaguna sheegay "Waxaynu ogeyn Wargeysyo iyo wariyayaal la xidh-xidho, laakiin imika waxay mareysaa in wariyaha si toos ah afka loo qabto. Sidaa daraadeed waxaanu halkan ka sheegaynaa inaanu dhawaan samayn doono mudaharaad ka dhan ah afhayeenka Madaxtooyada, waayo Madaxwaynuhu sidii loo doortay hal maalin muu qaban shir jaara’id oo saxaafaddu ku waydiisay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ilaa haddana la nooma caddeynin sababta uu Madaxweynuhu u diidan yahay…”

Badri Koosaar oo ka mid ah Wariyayaasha Telefiishanka Star, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay "Mar kasta oo Madaxwaynuhu dalka ka baxayo ama soo degayo waxa waajib aanu ugu leenahay inaanu waydiinno waxa dalka ka dhacaya, markaa waxaanu maanta (shalay) laga bilaabo ballan-qaadeynaa in aanaan dib u duubin war Madaxweynuhu leeyahay, maadaama oo aan su’aalaha la noo ogolaaneyn..”ayuu yidhi.
Cabdirixiin Cabdillaahi (Bidaar) oo ka mid ah hawl-wadeennada Mareegta wararka ee Togaherer.com ayaa isaguna su’aal galiyey waxa afhayeenka Madaxtooyada iyo shaqsiyaadka la midka ahi ku helaan in aanay saxaafaddu wax su’aalo ah waydiinin Madaxwaynaha "Saxaafaddu waxay dadweynaha uga wakiil tahay inay Madaxwaynaha iyo siyaasiyiinta kaleba u waydiinno waxa dalka ka jira, laakiin xukuumaddu waxay hor-taagan tahay shaqadii warbaahintu xaqa u lahayd. Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo waxba la ima waydiinayo, laakiin koox qowlaysato ah oo aanu garan waynay waxay ku qaataan Madaxweyne waxaanu kaa joojinay su’aalihii, ayaa caqabad ku ah saxaafadda….”ayuu yidhi.
Madaxa wararka ee Telefiishanka HCTV, Cabdirashiid Caynte ayaa isaguna nasiib daro ku tilmaamay in su’aalo la waydiin waayo Madaxwaynaha Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay "Nasiib daro ayaanu u arkaynaa in su’aalo la waydiin waayo Madaxwaynaha Somaliland oo dalka ku soo laabtey. Arrinkan waxa ka dambeeya afhayeenka Madaxtooyada…” ayuu yidhi, Wariye Caynte..
Laakiin afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul oo Wargeyska Somalilandtoday waydiiyey waxa uu ka odhanayo eedaymaha ay u jeediyeen suxufiyiinta dalku, ayaa sheegay in wariyayaasha aanay xaq u lahayn inay shir jaraa’id qabtaan oo ay cid ku cambaareeyaan "Horta Wariyayaasha hadlay xaq uma laha inay shir jaraa’id ku hor qabtaan (Halkii Madaxwaynuhu joogay), waxayna ahayd haddii ay cabasho qabaan inay soo mariyaan SOLJA” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu tilmaamay inaan suxufiyiinta loo diidaneyn inay su’aalo waydiiyaan Madaxwaynaha, laakiin nidaamkoodu horseedayo in loo diido "Maalin walba waan sheegaa, nidaamkooda ayaa aad u qaldan (Suxufiyiinta), markaa hadday nidaamkooda iyo siday Madaxweynaha wax u waydiinayaan hagaajinayaan cidna waxba uma diidana. Bal u fiirso mar kasta oo Madaxwaynaha su’aal la waydiinayo waxa gacanta taaga 70 wariye, kumaa su’aasha la siin oo waydiin Madaxwaynaha, kumaase loo diidi..”
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in arrintan uu wasiirka Warfaafintu kala hadlay shalayba ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.