Dawladda Soomaaliya Oo Hubeynaysa Nabad-diidka Khaatumo, Diyaarad Doraad Ilaa Shalay Gaalaa Baxaysey Muqdisho Iyo Buuhoodle

0
Saturday April 12, 2014 - 09:32:50 in by Super Admin
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Soomaaliya Oo Hubeynaysa Nabad-diidka Khaatumo, Diyaarad Doraad Ilaa Shalay Gaalaa Baxaysey Muqdisho Iyo Buuhoodle

    iyo Digniinta Somaliland "Waxaanu Si Weyn Isha Ugu Haynaa Oo Aanu U Eegaynaa Dhaqdhaqaaqa Dawladda Soomaaliya Ay Ka Waddo Gudaha Somaliland, Waxaanu Leenahay Haku Gubanina…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Digniinta Somaliland "Waxaanu Si Weyn Isha Ugu Haynaa Oo Aanu U Eegaynaa Dhaqdhaqaaqa Dawladda Soomaaliya Ay Ka Waddo Gudaha Somaliland, Waxaanu Leenahay Haku Gubanina…"

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo ka xumaatay aqoonsigii Golaha deegaanka Magaalada Sheffield siiyay Somaliland, ayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan ka bilowday deegaannada Buuhoodle iyo gobolka Sool.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed, ayaa sii xoogeystay ka dib markii doraad ilaa shalay ay gaallaa baxaysay deegaanadaasi diyaarad yar oo xukuumadda Muqdisho u kireysay kooxda la baxday Khaatumo, waxayna diyaaraddaasi doraad keentay Magaalada Buuhoodle, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indho-sheel) oo ku Magacaaban Madaxweynaha Khaatumo, kaasi oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, waxaana sidoo kale diyaaradda la socday xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka dawladda Soomaaliya iyo masuuliyiin ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Diyaaraddaasi oo doraad dib ugu laabatay Magaalada Muqdisho, ayaa shalay mar labaad ka soo degtay garoon Macmal ah oo ku yaala Magaalada Buuhoodle, waxayna halkaasi ka qaaday qaar ka mid ah xildhibaannadii la socday Indho-sheel, waxayna sida la sheegay geystay Magaalada Taleex oo la doonayo in dhawaan lagu qabto shirka saddexaad ee kooxda Khaatumo, kaasi oo ilo-wareedyo xog-ogaal ahi Somalilandtoday u sheegeen inay Maalgalinayso xukuumadda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo doonaya inuu carqad siyaasadeed galiyo dedaallada aqoonsi raadineed ee Somaliland, maadaama oo Golaha deegaanka Sheffeild uu muujiyey in Somaliland u qallanto in la aqoonsado si ay uga tashato aayaheeda iyo Mustaqbalkeeda labadaba.

 

Diyaaradda oo warar dheeraad ahi sheegayaan inay jimcihii shalay Taleex geystay hub iyi saanad Milatari oo ay Muqdisho isla-markaana dawladda Soomaaliya ugu talo-gashay in loo qaybiyo Maleeshiyaadka sugaya ammaanka shirka kooxda Taleex ka dhacaya, ayaan ilaa hadda xukuumadda Somaliland aanay ka hadal dhaqdhaqaaqyada dhagareysan ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaarihiisu ka wadaan gudaha Somaliland, inkasta Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Cali Maxamed Waran-cadde uu si guud uga hadlay dhaqdhaqaaqyo Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ka wado gudaha Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay inay fashilin doonaan "Waxaan halkan digniin uga gudbinayaa cadowga Somaliland ee ka naxay gobanimada uu maanta caalamku u qiray Somaliland, waxaanu aad uga xunnahay dawladda yar ee ka dhisan Muqdisho inay ka didday gobanimada bulshada caalamku u qireyso Somaliland, waxaanu u aragnaa, waxaanu u aragnaa inay Somaliland gudaheeda ka waddo fad-qalalo iyo kharbudaad, waxaanu nahay ummad aan loo dhuuman Karin”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Waxaanu si weyn isha ugu haynaa oo aanu u eegaynaa dhaqdhaqaaqa dawladda Soomaaliya ay ka waddo gudaha Somaliland, waxaanu leenahay haku gubanina, dawlad iyo dadba waxaanu diyaar u nahay inaanu dalkayaga ku difaacno dhiiggayaga, waxaanu diyaar u nahay inaanu kashifno ama dibadda u soo saarno khildad kasta oo qarsoon oo la doonayo in gobanimada iyo Midnimada Somaliland in lagu kala kexeeyo”

 




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com