Shirkadda Isgaadhsiinta Caalamiga ah Ee Somtel Oo Soo bandhigtay Adeegga Casriga ah ee 4G MIFI

0
Wednesday June 24, 2015 - 14:07:51 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Isgaadhsiinta Caalamiga ah Ee Somtel Oo Soo bandhigtay Adeegga Casriga ah ee 4G MIFI

    Shirkadda Somtel oo ah Hormoodka isgaadhsiinta Somaliland ayaa shalay soo bandhigtay Adeeg Casriya oo la yidhaa 4G MIFI/Router

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Somtel oo ah Hormoodka isgaadhsiinta Somaliland ayaa shalay soo bandhigtay Adeeg Casriya oo la yidhaa 4G MIFI/Router

Adeeggan oo ka mid ah adeegyada ugu casrisan ee Maanta dunida laga isticmaalo, Adeeggan ayaa ka koobaan laba Aaladood oo Casri ah oo kala ah 4G MIFI iyo 4G Router

Hadaba ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Madaxa waaxda Suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdilahi oo sharaxaad dheer ka bixiyay Adeegyadan cusub ee shirkadda somtel soo bandhigtay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan " Shirkadda somtel waxa ay maanta macaamiisheeda usoo bandhigaysaa adeeg cusub oo internet oo magaciisa la yidhaa 4G MIFI waana qaybtii labaad ee Adeegga Somtel 4G, adeeggan Cusubi waxa uu ka koobanyay laba Aaladood oo kala duwan midi waa MIFI midna waa Router adeegyadan cusub ee MIFI iyo Routerka ka koobani waxa ay macaamiishayada u sahlayaan in ay helaan internet xawaarihiisu aad u sareeyo waxa intaas u dheer in 4G MIFI uu yahay aalad yar oo jeebkaga aad ku qadan karto, gaadhigaaga aad ku qaadan karto oo hadba meeshii aad rabto aad la tagi karto adiga oo ku xidhan internet ka somtel oo wireless ah waxa aanad ku isticmaalaysaa user-kaaga iyo password kaga kuu gaarka ah waxaana markiiba kugula isticmaali kara wireless ka 5 Qof f ilaa 10 Qof iyada oo aanu speed ku isdhimayn, sida oo kale waxa aanu halkan kusoo bandhignay router wireless ah oo isna 4G ah oo markiiba ay ku xidhmi karaan ugu yaraan ilaa 30 Qof oo ku isticmaalaya internet xawaarihiisu aad u sareeyo shirkadda somtel waa shirkaddii u horaysay ee Adeeggan casriga ah keenta dalka isla markaana bulshada usoo bandhigta, waana markii koobaad ee Adeeggan Geeska Afrika laga isticmaalo.

Sida Oo Kale Mohamed Rooble Oo ah Madaxa Waaxda Ganacsiga ayaa faahfaahin dheerada ka bixiyay adeegyada cusub ee shirkaddu soo bandhigtay waxanu xusay in adeegyadani yihiin Tiknoolajiyadii u dambeysay ee maanta dunida laga isticmaalayo shirkadda somtelna tahay hormoodka isgaadhsiinta

Engineer Xasan Sheikh oo ka mida masuuliyiinta shirkadda somtel ayaa sharaxay adeegyada cusub ee MIFI iyo Router ka ah waxanu sheegay in Adeegga 4G MIFi yahay adeeg ay macaamiishu kaga maarmi doonaan dhamaanba adeegyadii hore madama adeeggani yahay mid la qaad qaadan karo oo hadba meel lala tagi karo iyadoo sida mobile ka loo dabaynaayo kadibna kolba meeshii lala tago lagu isticmaalaayo waxanu adeeggani macaamiisha u saamaxayaa in ay helaan internet xawaarihiisu la mid yahay ka maanta dunida laga isticmaalo .

Ugu dambaynti Gudoomiyaha Shirkadda somtel Mudane Faarax Maxamed Cilmi ayaa Macaamiisha shirkadda somtel ugu bushaareeyay adeeggan cusub ee 4G MIFI oo latayo ah lana awood ah internetka maanta dunida horumartay laga isticmaalo, waxa uu sheegay maareeyaha shirkadda somtel in maanta dunida oo dhami isku xidhantahay oo dhakhtarka jooga maraykanka uu qalliin ka fulin karo waddan afrika ku yaala taasna waxa u saamaxaysa adeeggan internetka oo maanta nolosha aadamaha ka mid noqday baahiyaha aasaasiga ah sida oo kale Adeeggan internet ka ah ee 4G MIFI waxa uu Ardayda u saamaxayaa in ay online wax kaga Baran karaan Jaamacadaha Dunida, dhinaca kale internet ku waxa uu maanta kaalin wayn ka qaataa Ganacsiga adiga oo halkan jooga ayaad online wax alla iyo wixi aad rabto aad kusoo iibsan kartaa kuna adeeggan kartaa online, dhamaan arimahaas waxa maanta fududeeyay oo adduunka ka dhigay qolyar oo la is wada arkaayo la isna wada maqlaayo waa Adeegga internet, Oo ay hormood u tahay shirkadda Isgaadhsiinta Ee Somtel oo idiin keentay 4G MIFI oo ah adeegii u dambeeyay ee maanta adduunyada laga isticmaalaayo taas oo ay macaamiisha shirkadda somtel maanta jaanis iyo nasiibba u heleen isticmaalka Adeegga 4G MIFI/Router