Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Wasiirki Hore Ee Shaqada.

0
Wednesday June 24, 2015 - 17:00:10 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Wasiirki Hore Ee Shaqada.

    Warsaxaafadeed Goor dhoweyd ka soo Baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ayaa lagu yidhi Sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed Goor dhoweyd ka soo Baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ayaa lagu yidhi Sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamud Axmed Barre Garaad oo saaka (24/06/2015) ku geeriyooday Boorama.

 

madaxweyne-siilaanyo3

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.
Waxaanu ahaa Oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga somalilandba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed gollaha guurtida ka tirsan, mudooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha wasiirada.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.