Guddomiye Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Qoyskiisii ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Garaad Wasiirki hore shaqada

0
Wednesday June 24, 2015 - 17:02:24 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Qoyskiisii ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Garaad Wasiirki hore shaqada

    Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diraya

Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Wax-garabkad, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alleh ha u naxariistee wasiirkii hore Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum: Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo in muddo ah xanuun uu u jiifay awgeed ugu geeriyooday magaalada Boorama 25.06.2015.

Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa Ehelkii iyo Qaraabaddii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alleh ka cabsi badan oo Illaahay ugu hoggaansama,dadkuna ay ka nabad-galaan, laguna yaqaanay cibaado badan iyo camal suuban, waxaa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ruug cadaayada ah salkana u dhigay hanaanka geedi socodka nabada ee dalka, isaga oo sida oo kalena Marxuumku ahaa mas’uul qaran oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawlada Somaliland iyo dawladii waagii hore la’ isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu Illaahay uga baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo, janatul Fardawsana uu ka waraabiyo, Ehel, Qaraabo iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.



Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun.


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.


Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.