Gabay loo Tiriyey Xildhibaan Cabdi Laki Xasan oo ka mid ah Xidhibanada Golaha Degaanka Burco
Gabay loo Tiriyey Xildhibaan Cabdi Laki Xasan oo ka mid ah Xidhibanada Golaha Degaanka Burco
Gabaygan Waxa loo Tiriyey Xildhiban Cabdilaki Xasan Nuur oo Haysta Taageerada Ugu badan ee Dhalinyarada Gobolka Togdheer, kana mid ah Dhalinyaradii Sportiga ee Gobolka dhowr iyo tobankii Sanno ee u danbeeyey.
Xaruntii Togdheer iyo anoo xaafad wacan jooga
Xiisaynta Gabaybaa Beryahan Xulaysa Laabtiiye
Xubigaa I qaadaye Naftana kuma xujeeyeene
Xaluun baan Caways toosayoo Xaashad Dheer Qoraye
Xubnahaa Badh soo jeedayoo Xaraf ma Dhaafayne
Xaaladdii Hadaan Sheegayaa Xooris laga Roone
Xulka Madaxda Somaliland Xoojiyow Mudane
Xarakaynta Siilaanyo Waa Xawli Nagu dheere
Xabaal Jeer la Geeyana Bulshada wuu xukumayaaye
Xagaad Joogto Eegiyo hadaan Xaadir kala qaaday
Xikmaawiga Lakiye Ay Burca ba Xayga ku ahaatay
Xildhibaan Ladoortiye intaan Xigasho Soo Gaadhay
Xalaal ruun u taliyuu noqdoon xani ku laabnayne
Xilkasnimo Cabdaa lagu arkiyo Xadhiga Diimeede
Xildhibaan la Doortiyo intaan xigasho soo gaadhay
Xalaal Ruux u taliyuu Noqdoon xani ku laabnayne
Xilkasnimo Cabdaa lagu arkiyo xadhiga diimeede
Xeerbeegti weeyaan Cabdoo Xumo ka dheeraaye
Xasilooniduu Raadiyaa Xoolonaw u huraye
Xeryaha Dawladee uu joogo waa laga Xurmeeyaaye
Xigto uu Dhaweystiyo ma jiro Xididka weeyaane
Xanaanada Dadkiisuu in badan Xiiqayoo wadaye
Xog ogaalka Aadmigu Hadday Xor u jeclaadeene
Xafladdaa Nimay wada Tagaan wuu Xafidayaaye
Xuskan uu Mutaystiyo Haddaan Xaaji Falanqeeyey
Xadiiskii Rasuulkaa(scw) Hagoo Xuubka Naga qaadye
Xaluufada fardawsiyo intaad xad uga yeelayso
Xiddigaa Allahayo ka yeel waa Xamdiyayaane
BY: ABWAAN , ADAN XASAN CUMAR (GARAAD)
BURCO SOMALILAND
Gabay loo Tiriyey Xildhibaan Cabdi Laki Xasan oo ka mid ah Xidhibanada Golaha Degaanka Burco
Gabaygan oo Magaciisa la yidhaa Hambalyo, Waxa loo Tiriyey Xildhiban Cabdilaki Xasan Nuur oo Haysta Taageerada Ugu badan ee Dhalinyarada Gobolka Togdheer, kana mid ah Dhalinyaradii Sportiga ee Gobolka dhowr iyo tobankii Sanno ee u danbeeyey.