Jamaal Ali Xuseen oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Garaad kana shekeyey Qayb taariikhdiisi ka mid ah

0
Thursday June 25, 2015 - 14:42:39 in by salman abdi
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Ali Xuseen oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Garaad kana shekeyey Qayb taariikhdiisi ka mid ah

    Qoraal uu soo Geliyey Xalay Boggiisa Facebook uu ku leeyahay ayuu ku yidhi Sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu soo Geliyey Xalay Boggiisa Facebook uu ku leeyahay ayuu ku yidhi Sidan: "Waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii Iyo qaraabaddii Iyo shacabka Somaliland Ee uu maanta ka baxay Maxamuud Axmed Garaad, oo ah shakhsi qiimo weyn ku leh Somaliland taariikhdeeda kana soo ahaa Wasiir, Xildhibaan iyo Oday. Wuxuu ka mid ahaa raggii dhexda u xidhay shirkii Boorama ee qabsoomay 1993 kii. Weli Waxaan xiskayga ka Masaxmeynin in isagoo xanuusanaya uu aroor hore January 3 deedii 2012 kii uu ka soo kalahay Boorama si uu codka ii siiyo xilligii ay codeynaysay gudiddii fulinta ee xisbiggii UDUB oo aan ku tartamaayey. 

Macallin xagga siyaasadda ah ayuu ii ahaa markii aan siyaasadda ku soo biiray, kulankii Ugu horeeyey ee aan odoyaal la shirana isaga ayaa ii qaban qaybiyey magaaladda Boorama oo aan 66 Oday kula shiray berigaasi. Wuxuu ahaa ruug cadaa siyaasiya, Oday, Aqoonyahan, Qoraa, iyo Weliba taariikh yahan runtii door weyn ka soo ciyaaray qarankan. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo, Samir iyo iimaan. "


By Jamaal Cali Xuseen