Wikileaks Oo Soo Bandhigay Dedaalkii Daahir Riyaale Ee Aqoonsi Raadista Somaliland Iyo Codsigii Uu Maraykanka U Gudbiyay Ee Taageerista Qadiyada.

0
Thursday June 25, 2015 - 15:15:11 in by Burco Office
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wikileaks Oo Soo Bandhigay Dedaalkii Daahir Riyaale Ee Aqoonsi Raadista Somaliland Iyo Codsigii Uu Maraykanka U Gudbiyay Ee Taageerista Qadiyada.

    Hargaysa: (afka)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sida ay faafisay shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks wuxuu wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa Maraykanka ka dalbaday inay taageeraan hawlgal aqoonsi raadis oo uu Midowga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa: (afka)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sida ay faafisay shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks wuxuu wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa Maraykanka ka dalbaday inay taageeraan hawlgal aqoonsi raadis oo uu Midowga Afrika ka dhex waday.


Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigaas la kulmay masuuliyiinta Maraykan ah, wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ka gudbeen khilaafkii colaadaha ee wadamada jaarka ah ee ay dhaxalsiisay dawladii Maxamed Siyaad Barre, "Dadka reer Somaliland iyagoo aqoonsan in qaranimadu aanay ahayn isirnimo keliya balse lagu dhiso mabaadii iyo caaqiido waxay garwaaqsadeen inay ka gudbaan khilaafkii iyo colaadihii ku ladhnaa raadintii Somaliweyn.” Ayuu ku yidhi Daahir Rayaale Kaahin saraakiishan uu la

kulmay oo uu horkacaayay safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa Donald Yamamoto.

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay inuu Midowga Afrika ka dhex waddo olole aqoonsi raadis, isagoo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Ethiopia, Rwanda, Uganda, Tansaaniya iyo Zambiya, kuwaas oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in wasiirkiisii khaarajiga Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu wakhtigaas u safrayay wadamada Gaana iyo Toogo si uu ugu dhiirigeliyo aqoonsiga Somaliland.

Daahir Rayaale Kaahin wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ah u sheegay inuu la kulmay xoghayaha Ingiriiska wakhtigaas u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo wadamada barwaaqo sooranka Lord Sipdis Triesman, kaas oo uu sheegay inay isla garteen inuu wadamada Afrika culays ku saaro aqoonsiga Somaliland, "Waxaan markaas Maraykan ahaan idinka dalbanayaa inaad sidaas Ingiriiska yeeshaan.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.