Wasiirka Madaxtooyada oo Shacabka JSL uugu hambalyeeyey maalinta Gobonimada ee 26-ka june‏

0
Friday June 26, 2015 - 15:24:54 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo Shacabka JSL uugu hambalyeeyey maalinta Gobonimada ee 26-ka june‏

    Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan Qoraal uu Goor Dhoweyd ku Baahiyey Bogga uu ku leyahay Facebook iyo Bloggiisa Gaarka ah ee Guush.com ayu ku yidhi sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan Qoraal uu Goor Dhoweyd ku Baahiyey Bogga uu ku leyahay Facebook iyo Bloggiisa Gaarka ah ee Guush.com ayu ku yidhi sidan Shacabka xorta iyo xariirta ah ee reer Somaliland waxaan uugu Hambalyeynaya maalinta Gobonimada
++++++++++++++++++++++++++ +++++++++++++++++++++++++

Waxaa laga joogaa 55sano oo ku beegan 1960-kii kadib markii Somaliland Xoriyada ka heshay Maxmiyadii Ingriiska "British Protectorate”

Isla sanadkaa 1960-ka oo ahaa sanad ku suntan dhaqdhaaqii goboinimo doonka Africa "Pan Africanism Movement” ayey nasiib wanaag Somaliland kamid noqotay dalalkii laydha xornimadu martay ee helay ciid xor ah iyo calan ciil la’

Maanta oo kale ayey ahayd markii Allaha u Naxariistee abwaan Timacade lahaa "Kana Siib Kana Saar” isagoo garanaya qiimaha gobonimada iyo xornimada.

Waxaan sidoo kale u ducaynayaa Cismaan Axmed Xassan "Indhoole” oo ah DC-gii gacanta ku qabtay calankii u horeeyey ee Xor ah isla markaana ahaa DC-gii kala wareegay maxmiyadii Ingriiska ilaa maantana ina dhex jooga "Allaha Cimriga iyo Caqligaba u barakeeyo”

Waxaan shacabka xorta iyo xariirta ah ee reer Somaliland meel ay jooganba uugu hambalyeynayaa maalinta gobonimada Somaliland

Wa Bilaahi Tawfiiq