Siyaasigii Aasaaskiisa laha Ururkii RAYS oo Dalka Si Ballaadhan loogu Soo Dhoweyey +SAWIRO

0
Saturday June 27, 2015 - 11:48:16 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasigii Aasaaskiisa laha Ururkii RAYS oo Dalka Si Ballaadhan loogu Soo Dhoweyey +SAWIRO

    Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xinwal) oo aha Afhayeenki Ururkii RAYS, hadana kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa dalka si weyn loogu soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xinwal) oo aha Afhayeenki Ururkii RAYS, hadana kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa dalka si weyn loogu soo dhaweeyay.


11650613_10153409877788535_1096567452_n11650993_10153409877138535_354970889_n11653490_10153409877353535_1004968742_n11657421_10153409879088535_1482025197_n

Masax uu horkacaayay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayna kamid ahayeen Xildhibaano ka tirsan Golaayasha Qaranka, Ganacsato, ururada bulshada iyo dadweyne kale aya siyaasigan ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Hargaysa oo uu galabta ka soo degay. Ganacsade Jaamac Xaji Axmed, oo kamid ah Ganacsatada Somaliland oo ugu horeyn Saxaafadda kula hadlay qolka nasashada Madaarka, ayaa yidhi. "Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xinwaal) oo kamid ah siyaasiyiinta dalka, siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE in muddo ahna dalka debadiisa safar ugu maqnaa waanu soo dhawaynaynaa waxaanu leenahay ku soo dhawoow dadkaagi iyo dalkaagi.”

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, Muj: Maxamed Kaahin Axmed oo isna ka dareen celiyay soo dhaweynta Khaliif Xinwaal ayaa yidhi. "Khaliif anigo ku hadlaaya Magaca Xisbiga waanu soo dhaweynaynaa waxaanu leenahay soo dhawoow ku soo dhawaw dalkaagi taladi Xisbiga ku soo dhawaw dhammaantayana farxad ayay noo tahay”.

11650868_10153409879448535_684300400_n11124800_10153409878073535_608809199_n11657336_10153409878588535_643124463_n

Gebo gebadii Siyaasi Khaliif Xinwaal ayaa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay wuxuuna yidhi. "Runtii waxaan si dareen leh uga mahad celinaya sida lay soo dhaweeyay, madaxda iyo odayaasha halkan maraya, anigu dalka in muddo ah waan ka maqnaa insha allah waynu is waraysan doona waxaan markale si niyada ugu mahad naqaya dadka sharafta leh ee siyaasiyiinta leh, ee ururada bulshada leh ee Xildhibaanada leh ee isoo dhaweeyay.”

Khaliid Xinwaal wuxuu safarkiisan ka soo kicitimay waddanka Ingiriiska gaar ahaan Caasimadda labaad ee dalkaas ee Birmingham oo u muddo dheer deganaa.