Daawo: Xaji Cabdi Waraabe oo Talooyin Odaynimo Siiyey Hogaamiyasha Xisbiyada Qaranka ee ku loolamaya Kursiga Madaxtinimada

0
Saturday June 27, 2015 - 11:50:17 in by salman abdi
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xaji Cabdi Waraabe oo Talooyin Odaynimo Siiyey Hogaamiyasha Xisbiyada Qaranka ee ku loolamaya Kursiga Madaxtinimada

    "Ninka kursiga doonaya ee Mucaaradka ahi, yaanu dalka walaaqin oo carruur iyo dumarka soo kicin oo shicibka wareer gelinin, kalgacal ha lagu wada shaqeeyo…"ayu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninka kursiga doonaya ee Mucaaradka ahi, yaanu dalka walaaqin oo carruur iyo dumarka soo kicin oo shicibka wareer gelinin, kalgacal ha lagu wada shaqeeyo…"ayu yidhi

Xildhibaan Cabdi Xuseen oo ku magac dheer Xaaji Cabdi waraabe ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay 26-ka June oo ah maalintii ay Somaliland xornimada ka qaadata dawladii Ingiriiska. ayaa Dhinaca kale baaq u diray xisbiyada Somaliland.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah waxgaradka reer Somaliland ee Ugu Da'da weyn uguna Magaca weyn ayaa xisbiyada siyaasadda dalka ugu baaqey inay dalka ka daayaan muranka iyo khilaafaadka keenaya buuqa.


Xaaji Cabdi Waraabe oo ka hadlayey Munaasibad calan saar ahayd oo loo sameeyay xuska 55 guurada ka soo wareegtay Xornimada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxwayne Siilaanyo yahay hoggaamiye waayo-arag ah oo og waxa Somaliland gasho iyo waxay guddaba.

Xaaji Cabdi Waraabe oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi "Haddaynu calankeennii nabadgalyo ku joogno, Madaxwayne Istaahil ahna ina hoggaaminayo ILAAHAY baanu uga mahad naqeynaa, ILAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu reer Nabi aadan inoo soo jeediyo, ictiraaf baynu galabsanaye inuu kaamil inoo noqdo oo aynu shirarka caalamka inaguna wax ka taransanayo, iyagana wax ku tarno. Buuqa ha laga ilaaliyo (dalka), tartan waalla ogol yahay ee buuqa ha laga ilaaliyo dalka oo meel ha looga soo wada jeedsado gobanimada”
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu farriin u diray xisbiyada siyaasadda "Ninka kursiga doonaya ee Mucaaradka ahi, isagaa xisbiga ahi ee yaanu walaaqin oo carruur iyo dumarka soo kicin oo shicibka wareer gelinin, kalgacal ha lagu wada shaqeeyo…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Somaliland ha lagu fara adeygo oo mid ha noqoto, ha wada socoto, bari iyo galbeed wixii (Dhibaato ah) ha la ilaaliyo. Madaxweynuhu ha raago, kii haya ha noqdo, waa nin weyn oo caqli leh, waa nin Madaxa ilaa minjaha ogaa Somaliland, waa nin waxay tahay Somaliland fahmaya, ILAAHAY cimriga ha u barakayo…”