Xasan Sheekh Oo Sheegay inay Dawladiisu Gacan ka Geysanayso Xallinta Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland Gudaheeda Ka Taagan

0
Saturday June 27, 2015 - 12:22:26 in by salman abdi
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Oo Sheegay inay Dawladiisu Gacan ka Geysanayso Xallinta Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland Gudaheeda Ka Taagan

    Madaxweyne Xasan Sheekha Muqdisho, ayaa markale hadallo deelqaaf iyo gef ku ah shacabka somaliland iyo qarannimadooda kaga tiraabay munaasibad loogu dabbaal degayey 55-guuradii kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii somaliland ay xo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekha Muqdisho, ayaa markale hadallo deelqaaf iyo gef ku ah shacabka somaliland iyo qarannimadooda kaga tiraabay munaasibad loogu dabbaal degayey 55-guuradii kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii somaliland ay xorriyadeeda ka qaadatay Mustacmarkii ingriiska.

Xasan Sheekh, ayaa somaliland hawada usoo marayey hadallo beer-laxawsi ah, kuwaas oo uu ku muujinayo jacayl uu shacabka somaliland iyo midnimadooda u hayo.

Waxa uu sheegay inuu taageersan yahay wada-jirka iyo isku-duubnida somaliland, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi, "Somalia siyaasadeedda ku wajahan Somaliland horena waa u caddaynay haatana waa Caddaynaynaaye colaad uguma socono, dagaal ku dooni mayno, xoog militeri ku raadin mayno, dacaayad iyo borobagaandhe iyo wax aan macno lahayn ku dooni mayno iyagu inay kala furfurtaan oo kala daataan oo dhexdooda isqabqabsadaan ku doonimayno.”

Xasan Sheekh oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in kahor inta aan laga wada hadlin kala duwanaanshaha labada dhinac loo baahan in Somaliland marka hore mid ahaato, waxana uu hoosta ka xarriiqay in tabashada xilligan somaliland dhexdeeda ka jirta ay Dawladdiisu wixii ay ka qaban karo ka qabanayso,

"intaanay annaga(somalia) nala midoobin inay iyagu mid ahaadaan baanu rabnaa oo haddii iyaga dhexdooda wax ka jiraan waxa ku jira ay ka baxaan, oo haddii ay dhexdooda wax kala tabanayaan inay kala tabashadaas ka baxaan dawladda Somalia wixii ay gacan ka geysan karto ayey ka geysanaysaa.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Xasan sheikh, ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka Mucaaridka iyo Muxaafidka somaliland dhexyaalla, kaas oo ka dhashay Muddo-kordhinta ay Guurtidu u samaysay Xukuumadda oo suuldaaraysay Heshiis dhawaan xisbiyada Iyo xukuumadda dhexmaray.