EWADA Oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Danyarta Magaalada Burco, Video+SAWIRO

0
Saturday June 27, 2015 - 14:36:00 in by salman abdi
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    EWADA Oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Danyarta Magaalada Burco, Video+SAWIRO

    hay'ada ewada ayaa maanta deeq isugu Jirtay Raashin iyo alaabooyin kala duwan u qaybisay illaa konton qoys oo ka mida Qoysaska danyarta ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hay'ada ewada ayaa maanta deeq isugu Jirtay Raashin iyo alaabooyin kala duwan u qaybisay illaa konton qoys oo ka mida Qoysaska danyarta ah
ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada burco taas oo ay hay'adu ugu talogashay inay isticmalaan wakhtiga ramadaanta.

Kaalmadan Raashinka ah  ayaa daba socotay deeqo raashin iyo afur Isugu jirtay oo hayada ewada ka waday magaalada burco Horaantii Bisha Ramadaan taas oo ay ugu tabarucayso dadaka jilicsan ee danyarta ah.

gudoomiyaha hayada ewada shiikh aadan xasan siciid ayaa ugu horayn ka warbixyay deeqdan islam arkaasna tilmaamay inay sannadkasta Bisha Ramadaan
Gobolka Togdheer iyo meelo kale ba ay ka fuliyaan mashaariicda khayriga ah ee lagu kaalmaynayo dadka danyarta ah.

xoghayaha fulinta dawlda hoose ee degmada burco cismaan maxame shiikh icmaan nuur ayaa soo dhaweeyay deeqdan ay hay'ada ewada u qyabsay dadka tabaalaysan waxaana uu uga mahadnaqy dedaalka ay markasta ugu jirto caawinta iyo taakulaynta dadka jilicsan.

haweenay ka mid hooyooinkii ka faaidaystay deeqdan raashinka ah ayaa ka mahadcelisay deeqdan isla markaasna sheegtay inay yihiin dad jilicsan oo danyar ah una baahan taakulo iyo deeqda noocan oo kale ah

maaha markii ugu horaysay ee hayada ewada raashin caynkan oo kale ah ka qaybiso dhammaan magaalda burco gaar ahaan kuwo ay ugu talagashay in dadka jilicsani kaga baxaan ramadaanta
Contact@afkashacabka.com