Prof: Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Awooda Xarakada Al-Shabaab ,Iyo Itaal Darida Ciidamada Soomaaliya.

0
Sunday June 28, 2015 - 14:33:14 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof: Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Awooda Xarakada Al-Shabaab ,Iyo Itaal Darida Ciidamada Soomaaliya.

    Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliland , ayaa si adag uga hadlay heerka uu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliland , ayaa si adag uga hadlay heerka uu...

gaarsiisan yahay Awooda xarakada Al-shabaab iyo Itaaldarida Ciidamada Soomaaliya.

prof: Axmed ismaaciil samatar waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ka dhisan tahay dhanka Ciidamada iyo Sirdoonka waxa uuna Cadeeyay inaan la dafiri karin awoodaha ay Kooxdu ku dhex leedahay Somalia.
Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in lagu sheekaysto awooda Al-Shabaab waa daciiftay, waxa uuna tusaale usoo qaatay in Maleeshiyadu aysan daciifin weerarkii ugu dambeeyay ay ka gaysteen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ku dileen in ka badan 70 askari oo AMISOM ka tirsan.
Al-shabaabka ayuu sheegay inay ka duwan yihiin Ciidamada Dowlada waxa uuna tilmaamay in Maleeshiyadu ay dhaqdhaqaaq badan yihiin islamarkaana ay xili waliba u socdaalan goobo kala duwan.
prof samatar ayaa sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab looga adkaan karo kaliya in la dhiso Ciidan Qaran taa oo meesha ka saari karta awooda Al-Shabaab.
Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayuu sheegay inaysan marnaba hana karin amaanka dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.