Ururada SOLJA iyo SONSAF Oo Furay Mashruuca Horumarinta Saxaafadda Somaliland Ee Saddexda Sanno Ee Soo Socda+SAWIRO

0
Sunday June 28, 2015 - 14:56:13 in by
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururada SOLJA iyo SONSAF Oo Furay Mashruuca Horumarinta Saxaafadda Somaliland Ee Saddexda Sanno Ee Soo Socda+SAWIRO

    Hargeya (Afka)-Ururka saxafaaddda Somaliland ee SOLJA iyo daladda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28, June 2015 magaalada Hargeysa ku daah furay mashruuca horumarinta saxaafadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeya (Afka)-Ururka saxafaaddda Somaliland ee SOLJA iyo daladda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28, June 2015 magaalada Hargeysa ku daah furay mashruuca horumarinta saxaafadda Somaliland.

Mashruucan oo ah mid loogu tala galay kor u qaadka aqoonta iyo tayadda saxaafadda Somaliland waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha dawladda SONSAF, Somaliland National Association Swedish, guddiga fulinta ee SOLJA, wasiir ku xigeenka wasaaradda war-faafinta Somaliland, saxaafadda madaxa banaan, hay’addo dawli ah iyo kuwo caalami ah.

Ugu horayn furitaanka mashruuca horumarinta saxaafadda Somaliland waxaa ka hadlay gudoomiyahana SONSAF Mustafe Sacad Dhinbiil oo ka xog bixiyey maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucani, waxaanu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in saxaafadda Somaliland hesho mashruuc kor loogu qaadaayo aqoontooda iyo mihnadooda saxaafadeed.

"Waxaa farxad runtii ii ah maanta oo aynu furayno mashruuca horumarinta saxaafadda Somaliland oo ay iska kaashadeen ururka saxafiiyinta Somaliland SOLJA iyo SONSAF. Mashruucan waxaa ka faa’idaysan doonaa in ka badan 500 oo suxufi oo runtii wax badan ka bedeli doona tayada saxaafaddeena”. Mustafe Sacad wuxuu intaas ku daray wajiyadii kala duwanaa ee uu soo maray mashruuca maanta la furay ee saxaafadda lagu horumarinaayo.

Sakriye Xasan oo ka socday ururka Somaliland National Association Swedish oo kaaliin weyn ka ciyaaray sidii loo heli lahaa mashruucan ayaa u mahadnaqay ururada SONSAF iyo SOLJA, waxaanu ku bogaadiyey furitaanka loo sameeyey mashruuca, waxaanu saxaafadda ku dhiiri galiyey inay doorkooda ka qaataan kana faa’idaystaan mashruucan.

Sakariye Xasan Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in mashruucani noqon doono mid kala hagi doona xaqa saxafigu leeyahay, xaga dawladdu leedahay iyo xaqa uu leeyahay qof kasta oo riyid ahi.


Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mida golaha wakiilada, ahna gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa sheegay in maanta SOLJA leedahay nasiib, kuna soo beegantay xili uu wakhtigu la shaqaynaayo. Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku soo daray inay diyaar u yihiin sidii ay wax kasta ula qaban lahaayeen SOLJA, waxaanu tusaale u soo qaaday dhaqaajinta xeerka saxaafadda oo aanay weli ansixin golaha wakiiladu.

"Guddi ahaan diyaar ayaan u nahay wax kasta oo aad nooga baahantaan, intii uu gudoomiyaha cusub uu yimi wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa, waanan u mahad naqayaa”


Gudoomiyaha ururka saxafaadda Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa isna ka hadlay munaasibada furitaanka ah ee la soo maeeyey mashcruucan, waxaanu ku dheeraaday faa’idada ay u leedahay saxaafadda Somaliland.

Gudoomiye Xuuto ayaa sheegay inay mashruucan ka faa’idaysan doonaan qorshahana ku jiraan gobolada dalka oo baahin u weyn u qaba horumarinta xirfadooda saxafinimo.

"Barnaamijkani wuxuu bilaabay maanta, waxaanu si rasmi u bilaabi doonaa bishan, waxaana ka faa’idaysan doonaa 500 oo saxafi, waxaana ka qayb gali doona gobolada dalka oo dhan” sidaas ayuu sheegay gudoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland Xuuto.

Xuuto oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay faa’idada saxafiyiinta reer Somaliland ugu jirta mashruucan "tabobarkani wuxuu wax badan ka qaban doonaa baahida dhanka saxaafadda ee maanta dalka ka jirta, waxaanse xukuumada uga mahadnaqaynaa qaabka ay noogala shaqaysay tacadiga saxaafadu inta badan tirsato, wakhtigana ma jiro qof saxafiya oo dacwadi kaga socoto maxkmada”

Gudoomiyaha SOLJA ayaa fariin u diray xukuumada Somaliland oo uu ku amaanay doorka ay ka qaadato mar kasta xal u helida xadhiga saxaafada iyo suxufiga, waxaanu ku bogaadiyey xukkuumada iyo cid kasta oo kala shaqaysa arrimaha saxaafada qaabka ay ula shaqeeyaan SOLJA.

Gudoomiyaha SOLJA ayaa fariin kale u diray xukuumada Somaliland "inay xarun tabobarada lagu qabto noo dhisto, arrintaas ay nagala hawl galaan, waayo waxay noqonaysaa meel waxtar badan u yeelan doonta arrimaaha saxaafada
Ugu danayntii gudoomiyaha ururka SOLJA ayaa cid kasta oo saxaafadda gaf iyo khaladaad ka tirsanaysa raaligelin ka siiyey, waxaanu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey "Waxaanu qaladka ugu weyn raaligelin ka bixinaynaa hadalkadii laga qoray Jamaal Cali Xuseen iyo dhacdadii ugu danbaysay ee ka dhacday madaarka, in kastoo qaladka ugu badan ay lahayd xukuumadu”.


Munaasibadan waxaa ka hadlay odayaal rug-caadaya oo saxaafada in badan ku soo jiray, iyagoo sheegay in fursada maanta SOLJA heshay aanay hore u soo marin cid kale oo saxaafadda iyo arrimaheeda ka shaqaysa.

Waxaa mashruucan furay oo munaasibadana soo xidhay wasiir xigeenka wasaaradda war-faafinta ee Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaacil oo in badan ku dheeraatay faa’idada ka dhalan karta mashruuca maanta la furay iyo waxyaabaha ay ka badeli doonto saxaafadda Somaliland. "Waxaa isku soo dhawaaday wada shaqayntii wasaaradda warfaafinta, waxaanay taasi keentay in laga koro waxyaabo gaf ahaa oo markii hore dhex ooli jiray saxaafada iyo qaybaha kala duwan ee dawladda, taasna waxaan ku amaanayaa maamulka cusub ee SOLJA” ayey tidhi wasiir xigeenka wasaaradda war-faafintu.